Wednesday, May 13, 2015

Xisbiga WADDANI oo Markii labaad Oggolaansho Muddaharaad Nabadgelyo dalbaday iyo Xukuumadda oo Diidmo kaga jawaabtay

Hargeysa, 13 May, 2015-(Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa mar kale Salaasadii shalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ka dalbaday in loo fasaxo muddaharaad nabadgelyo ah inay sameeyaan, hase-yeeshee Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa gaashaanka ku dhuftay aqbalaadda dalabkaas WADDANI ku soo weydiistay Muddaharaadka.

Muddaharaadka uu dalbaday Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ujeeddadiisu tahay inay ku muujiyaan siday u diiddan yihiin ee ay uga soo horjeedaan muddo-kordhinta sannadka ka badan ee Golaha Guurtidu u sameeyey Isniintii toddobaadkan Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay kordhiyeen sannad iyo toban bilood inay xilka sii hayaan, maaddaama oo ay muddadoodu ku dhammaanayso 26-ka bisha June 2015-ka. Waxaana sidan oo kale Xisbiga WADDANI Wasiir Waran-cadde u diiday inuu ka aqbalo dalab kan ka horreeyey oo ay Axaddii toddobaadkan ku soo dalbadeen Bannaan-bax salmi ah, kaasoo sababta uu ku diiday ku sheegay kuwo amni.

Qoraalkan codsiga ah ee Xisbiga WADDANI ku dalbanayay in loo oggolaado in muddaharaad salmi ah qabtaan, kaasoo u qoran sidan:- “Annagoo ka duulayna xaqa Dastuuriga ah ee u oggolaanaya Muwaaddiniinta isu-soo-bax salmi ah oo aannu ku muujinaynaa mawqifkayaga iyo diidmadaya Xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo muddo-kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee ahaa wakhtigii Komishanka ka soo baxay.

Sidaas darteed, Xisbiga Waddani isagoo ka duulaya dastuurka Qaranka qodobkiisa 32-aad farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad oggolaanaya in Muwaaddiniintu sameeyaan Muddaharaad Salmi ah, waxaanu ku wargelinaynaa Wasaaradda arrimaha gudaha inaanu samaynayno muddaharaad salmi ah oo ka dhici doona guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu rejaynaynaa inaad ka gudan doontaan waajibaadkiinna oo ah ilaalinta ammaanka isu soo baxayaasha.” ayaa lagu yidhi qoraalka xisbiga WADANI ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed.

Hase-yeeshee, markiiba waxa ka soo jawaabtay Wasaaradda Arrimaha gudaha oo sheegtay in aan cidna loo oggolayn wax muddaharaad ah, iyadoo ku sababaysay in dadku u bislayn isku soo bax taas oo khatargelin karta guud ahaan dalka.

warancadeQoraalka Wasaaaradda Arrimaha gudaha kasoo baxay oo uu ku Saxeexnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Waran-wadde, ayaa qornaa sidan:- “Tixraac Warqadda ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12th May2015.

Tixraac Warqadda ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI ee ku taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeeddadiisuna ahayd Muddaharaad Samli ah taasoo Warqaddaasi noo soo gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad qabashada Warqadda.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuurgashay qoraalka Warqaddaasi, isla markaana deristay Qawaaniinta iyo Xeerarka dalka u yaal ee khuseeya arrintan, waxay diidday codsiga Warqadda Xisbiga WADDANI, kuna sababaysayd sidatan:

  1. Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga. 2.Iyada oo la eegayo xaaladda hadda dalku ku jiro oo ah u diyaar-garawga maalintii la soo noqoshada xorriyadda 18 May. 3.Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida dalka. 4.Iyada oo aanay xisbiga Waddani  qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada.


Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale.

Iyadoo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka.”

Inkasta oo Axaddii uu diiday Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde aqbalaadda Muddaharaadka uu Xisbiga WADDANI soo dalbaday, haddana Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta WADDANI, Isniintii dorraad waxay muddaharaaddo ka sameeyeen magaalooyinka waawayn ee dalka qaarkood, sida Burco iyo Berbera oo si fiican uga dhaceen muddaharaaddadu, halka ay Ciidammada Ammaanku ka hor-tageen muddaharaaddo ka dhici lahaa Caasimadda Hargeysa, Ceerigaabo, Laascaanood iyo meel kale.

Waxay Ciidammada Boolisku si buuxda ula wareegeen Xarumaha iyo Xafiisyada kala duwan ee magaalooyinka dalka uu ku leeyahay WADDANI, sidoo kalena Xabsiyada loo taxaabay dhawr iyo lixdan qof oo isugu jiray Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka tirsan WADDANI una badnaa Masuuliyiin qaarkood laga soo xidhay guryahooda, kuwo Xafiisyada Xisbiga laga qabqabtay iyo dhawr qof oo bannaan-baxyada lagu qabtay. Weli Masuuliyiinta WADDANI may xaqiijin inay qaateen go’aanka Xukuumaddu ugu diidday Bannaan-baxa iyo inay gees-marayaan oo ay dhigayaan ama samaynayaan muddaharaadka laga diiday.

Hargeysa

Himilomedia

No comments:

Post a Comment