Haweenaydan Mrs May, ayaa sheegtay in qorshaha loogu qeybinayo waddamadda Yurub Tahriibayaasha keliya dhiirrigelinayso inay ku soo dhiirradaan dadku halista dhimashada Badaha, maaddaama oo inta badan Tahriibayaashu dhaqaale-raadis yihiin.“Dadku qaxoonti ayey ka hadlayaan, laakiin xaqiiqdii, hadaad eegtid dadka isku soo biimaynaya Badaha inta badan waxay ka yimaaddeen Nayjeeriya, Soomaaliya iyo Eritrea, waa Tahriibayaal dhaqaale-doon ah, oo isku soo biimeeya Badaha si loo badbaadiyo.” Sidaa ayey tidhi Wasiirka arrimaha gudaha Britain Theresa May.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Ingiriiska Mrs May, ayaa soo jeedisay in loo baahan yahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dembiilayaasha dadka Tahriibiya iyo isla markaana kala shaqeyno Madaxda waddamadooda, si aanay dadkaasi baahi ugu qaban Yurub.
Hadalkan Wasiirka, ayaa ku soo beegmay qorshe Midowga Yurub ku soo jeediyey in Ingiriisku qaabbilo 60 kun oo ka mid ah Tahriibayaashii laga soo badbaadiyey badaha. Mrs May, ayaa ku adkaysatay in dalkeedu keliya aqbali doono qaxoontiga ay doonaan, maaddama oo ay badi Tahriibayaashu yihiin dhaqaale-doon, balse aanay ku jirin kuwo dalalka dagaalladu ka socdaan ee Siiriya iyo Liibiya u dhashay.
“Haddii la aqbalo qorshahan, taasi waxay waddada u xaadhaysaa inuu buuxsamo marinka Baduhu, kuna dhiirradaan kumannaan kale inay nafahooda ku soo tuuraan halaagga.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka arrimaha gudaha dawladda Boqortooyada Britain oo dhiirrigelin inuu yahay ku doodday qorshaha Midawga Yurub ee lagu badbaadinayo Tahriibayaasha.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment