Thursday, May 14, 2015

Afgambi Millateri oo Xukunka lagaga Tuuray Madaxweynihii Burundi xilli xaaladda dalkaasi kacsantahay

Bujumbura, 14 May, 2015-(Himilo)- Jeneraal Ciidamada Burundi ka mid ah, ayaa sheegay in Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidammada Millaterigu in ay shaqada ka eryeen Madaxwaynaha dalkaas Pierre Nkurunziza, iyadoo rabshado ay ka dhasheen qorshihiisa dib u doorashada mar saddexaad oo uu jagadaas u taagan yahay.
Janaraal ka tirsan Ciidammada Millateriga waddanka Burundi, ayaa shaaca ka qaaday inay talada ka qaadeen Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo Safar dalka dibeddiisa ugu maqan, isla markaana ay isaga iyo Saraakiisha kale si buuxda ula wareegeen hoggaaminta dalkaas.

[gallery ids="19321,19320,19319"]

Janaraal Godefroid Niyombare, ayaa sidaasi ka sheegay dhawr ka mid ah Idaacadaha gaarka loo leeyahay ee waddankaas Arbacadii Shalay. Weriyaha VOA-da Gabe Joselow, oo haatan ku sugan magaalada Bujumbura ee Caasimadda Burundi, ayaa sheegay inaanay weli caddayn in Janaraalkani uu haysto taageerada buuxda ee Millateriga Burundi.
Afgambigan isku dayga ah, ayaa imanaya iyada oo toddobaadyadii la soo dhaafay ay dalkaasi rabshado ka taagnaayeen ka dib markii uu Madaxweynaha dalkaasi ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu soo sharraxayo doorashooyinka dalkaas, kaasoo ay Shacabka qaarkood ka gedoodeen, isla markaana Guddiga doorashooyinka dalkaasi ka aqbaleen.
madaxweynaha burundi

[gallery ids="19321,19320,19319"]

Madaxwaynaha la Afgembiyey Mr. Nkurunziza, ayaa hadda ku sugan waddanka Tanzania oo uu kula kulmayo hoggaamiyayaasha Bariga Afrika si ay dhibaatada Burundi uga wadahadlaan. La-taliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay afgambiga mid kaftan ah.
Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas dhab ah ku riday dad ku dibadbaxaya caasimadda Bujumbura Maanta. Xasillooni-darradu waxay bilaabantay 26 April waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof. Ganeral Joselow, ayaa sheegay in magaalada ay xabbado ka dhacayeen, iyada oo Booliska iyo dad muddaaharaadayay ay isku dhaceen.
Ardayda wax ka barata Jaamacadaha dalkaas qaarkood, ayaa muddaharaad sameeyey iyagoo qaarkood jidadka Caasimadda xidhay, ka dibna markii ay Boolisku rasaas u adeegsadeen muddo ku hor muddaharaadayey oo Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Bujunbura, halkaas oo sababta ay u tageen ku sheegeen inay ka cabsi qabaan in la laayo oo ay Safaaradda Maraykanka ammaan ahaan u door-bideen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment