Thursday, May 14, 2015

Wasiirka Gaashaandhigga Waqooyiga Kuuriya oo Fagaare lagu toogtay iyo dembiga loo ciqaabay

Pyongyang, 14 May, 2015-(Himilo)- Wasiirkii Gaashaandhiga Waqooyiga Kuuriya Hyon Yong-Chol, ayaa fagaare Saraakiisha Ciidammadu daawanayeen lagu toogtay ka dib markuu amar ku bixiyey dilkiisa hogaamiyaha dalka Kim Jong-Un.
Hyon Yong-Chol, oo 66 jir ahaa, loona magacaabay xilka wasiirka Gaashaandhiga sannadkii 2012 ayaa la sheegay in dembiga uu eersaday ahaa inuu seexday munaasibad loogu dabaaldegayey ciidamada dalka.
Han Ki-Beom, ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Waqooyiga Kuuriya ayaa u sheegay guddi baarlamaanka ka tirsan in boqolaal saraakiisha ciidamadu daawanayeen markii la toogtay wasiirkii Gaashaandhiga 30 April, talaabo loogu quus-goynayey kuwa kale inay isku ilaaliyaan.
wasiirka gaashaandhiga w kuuriyaWasiirkii Gaashaandhiga Hyon ayaa la sheegay in la arkay isagoo hurda dabaaldeg ciidamada dalkaasi lahaayeen, isla markaana xilliyo kala duwan hadal ku soo celiyey hogaamiyaha dalka, sida xilli ay joogeen kulan ka dhacay magaalada Moscow April.
Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Mr. Kim ayaa la sheegay inuu hore u amray dilka 15 saraakiil sare oo ciidamada dalkaa ka tirsanaa, oo ka horyimi awaamiirtiisa, taasoo ka dhigaysa guud ahaan 70 sarkaal tirada uu amray dilkooda, illaa iyo intuu noqday hogaamiyaha dalka sannadkii 2011, sida wakaalada wararla Yonhap lagu sheegay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment