Thursday, May 7, 2015

“…Korodhsiimo la sameeyo waxaan is-qabqabsi ahayn lagama faa’iidayo…”

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Muqdisho, 7 May, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inaanay dawladdiisu ku darsan doonin xilli-dheeraad ah marka la gaadho dhammaadka muddo-xileedkiisa sannadka 2016-ka, markaasoo la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho.
MADAXWEYNAHA FEDERAALKA SOOMAALIYA XASAN SHEEKH MAXAMUUD7Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa bogaadiyay booqashadii uu John Kerry Salaasadii dorraad ku tegay Muqdisho, waxaanu sheegay in booqashadaasi ay ahayd mid taariikhi ah oo ka turjumeysay heerka ay Soomaaliya gaadhay. Inkasta oo ay ahayd Booqashadaasi mid aanay dawladda Maraykanku sii shaacin, halka ay ka sii shaacisay Safarrada uu Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku ku marayo dalalka Kenya iyo Jabuuti.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan, ayaa sharraxaad ka bixiyay doorashooyinka ka dhici doono Soomaaliya sannadka 2016-ka, waxaanu xusay inaanay shardi keliya ahayn in deegaannada iyo Tuulooyinka doorasho ka dhacdo haddii aan la gaadhi karin. “Ma aha shardi ah in Tuulooyinka iyo Deegaannada doorasho ka dhacdo, haddii aan la gaadhi karin magaalooyinka ayay doorashadu ka dhici doontaa, sida Caasimadda. Sannadka 2016-ka, waxaa naga go’an in dalka doorasho ka dhacdo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale sheegay inaanay jirin xilli kordhin loo samaynayo dawladdiisa, iyadoo qodobkani uu ahaa waxyaabihii uu kala hadlay John Kerry oo sheegay in sannadka 2016-ka, ay Soomaaliya ka dhici doonto doorasho, waxaanu yidhi; “Waan ku cel-celinay wax xilli korodhsi ahi ma jiri doonto marka la gaadho Sannadka 2016-ka. Dawladdii beddeli lahayd middan ayaa imanaysa taasoo ku imaan doonta qaab doorasho ah; waayo? Korodhsiimo la sameeyo waxaan is-qabqabsi ahayn lagama faa’iidayo.”
Waxa uu Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Caasimadda Muqdisho, soo hadal-qaaday in 300 oo qof ay soo codsadeen inay ka mid noqdeen Guddiyada doorashooyinka, Xuduudaha iyo dib-u-eegista Dastuurka, isagoo xusay in tallabadaas ay bilaw u tahay Hiigsiga aragtida Sannadka 2016-ka ee Soomaaliya.
Inkastoo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ku adkaysanayo inay ka go’an tahay dawladdiisa qabashada doorasho shacabku codeeyaan inay Soomaaliya ka dhacdo sannadka soo socda, haddana dad badan ayaa qaba inaanay taasi suuragal noqon karin, maaddaama oo ay amni-darro badani ka jirto gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana gobollo iyo degmooyin dalka ka tirsan wali ku sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab ee gumaadka Shacabka iyo dawladda Soomaaliya ku hawlan iyo weliba dhinaca shuruucda Soomaaliya oo aan ahayn kuwo dhammaystiran, sidoo kalena ay ku jiraan gacmo shisheeye oo aan jeclayn in degganaansho iyo dawlad ad midna ay hesho Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment