“Maya, maannaan codsan, taladayadana kumay jirin wax wakhti la yidhaahdo haba-yaraatee. Annaga waxa weeye taladayadu muddada hawlahaas lagu dhammaystirayo. Taasina waxay u taallaa qiimaynta Dastuurku siiyey Golaha Guurtida…”
Hargeysa, 7 May, 2015-(Himilo)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa muujiyey mawqif ka duwan ka ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ka taagan yihiin wakhtiga muddada loo kordhinayo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana waxa uu KUKLMIYE u bandhigay Guddiga ka soo talo-bixinta muddada la kordhinayo Golaha Guurtidu u xulay duruufo kala duwan oo muujinaya inaan sannadka Guddiga doorashooyinku shaaciyeen inay doorashadu dib u dhacayso suuragal ku ahayn in lagu qaban karo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kooban u sheegay inay Guddiga Golaha Guurtidu u xulay kordhinta muddada inay ka soo talo-bixiyaan xaaladda dalka ee wakhtigan, balse waxa faahfaahin dheeraad ah Saxaafadda siiyey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KUKLMIYE. “Somaliland oo wixii aannu talo haynay ka siinnay xaaladdan immika lagu jiro.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu yidhi; “Xisbiga KULMIYE waxa uu aamminsan yahay Hay’adaha Dastuuriga ah mid waliba xilkeeda inay gudato. Annagu inaannu wakhti qabanno Dastuuriyan xaq uma lihin. Laakiin, waxaannu ku talinnay iyagoo ka duulaya arrimaha doorashooyinka ee soo socda iyo hawl-gudashadooda inay wakhti macquul ah oo doorashadu ay ku qabsoomi karto u qabtaan.”
“Waxayaabaha aannu annagu gaarka u tilmaannay waxa ka mid ah doorashada immika waa doorasho innagu cusub, waxa la isasaaray doorashadii Madaxtooyada iyo doorashadii Golaha Wakiillada. Sidaa darteed, waxyaabaha dhiman waxaa ka mid ah 1- doorashadii Golaha Wakiillada sharcigeedii lagu maamuli lahaa illaa iyo immika ma samaysna.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin.
Hase-yeeshee, mar Saxaafaddu weydiisay Hoggaanka KULMIYE inay Guddiga muddo-kordhinta Guurtida ka codsadeen inay kordhiyaan muddo laba sano ah iyo in ka badan, waxa ka jawaabay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel, waxaanu yidhi; “Maya, maannaan codsan, taladayadana kumay jirin wax wakhti la yidhaahdo haba-yaraatee. Annaga waxa weeye taladayadu muddada hawlahaas lagu dhammaystirayo. Taasina waxay u taallaa qiimaynta Dastuurku siiyey Golaha Guurtida, waa inta Goluhu gooyo. Annagu waxaannu tilmaannay caqabadaha hor-yaalla, annagu diyaar baannu u nahay doorashada sidaannu boqol jeer oo hore sheegnay, laakiin caqabadaa hor-yaalla.
Geesta kale, Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa iyaguna ka dib markii uu dhammaaday kulanka KULMIYE waxay kulan la yeesheen Guddiga ka soo talo-bixinta wakhtiga muddo-kordhinta Guurtidu u xushay, waxaana markii Xubnaha Komishanku kulankaas ka soo baxeen Saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo sheegay inay si fiican isula fahmeen Guddiga Guurtida waxyaabaha ay ka wadahadleen.
“Maanta (shalay), waxa nalooga yeedhay Golaha Guurtida, waxaana nala weydiinayey wada-tashi iyo xog-warran aannu ku kala qaadanaynay hawlaha jira ee soo socda ee diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo ta doorashada-ba, taana xog-warrankii waannu kala qaadannay, si wanaagsan baannu isu fahannay, wax kale oo laga yidhaahdaa maanta ma habboona, waayo? way soo dhammaatay, waa xog-warrankii ugu dambeeyey, si guul ah baanu noogu dhammaaday annaga iyo Golaha Guurtida-ba.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan.
Guddiga Guurtida ee hawshan ka talo-bixinta muddo-kordhinta u xil-saaran, ayaa Salaasadii la kulmay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, waxaanay dhinacooda Guddigu ka gaabsadeen inay wax war ah Warbaahinta siiyaan. Hase-yeeshee, Masuuliyiinta UCID iyo WADDANI, ayaa Saxaafadda u sheegay inay u gudbiyeen mawqifkooda la xidhiidha muddada la kordhinayo, taasoo ay sheegeen inay ka codsadeen Guddiga Guurtidu inaanay isku mashquulin muddo dheeraad ah, balse ay xalaaleeyaan sannadka ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay doorashooyinka ku qaban karaan, iyagoo Komishanku hore u cayimay inay doorashada qaban karaan 1-da bisha June ee 2016-ka, halkii ay ahayd marka hore in la qabto 26 June 2015-ka, taasoo caddaysay in muddo sannad ah ay xilligeedii dib uga dhacayso, sidaa awgeedna muddada xilka loo kordhiyo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo xilligoodu ku dhammaanayo 26 June 2015-ka.
Hase-yeeshee, Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxa uu muujiyey mawqif ka duwan kaas ay caddeeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, waxaanay Guddiga Guurtida hor-dhigeen caqabado muujinaya inaan sannadkaas Guddiga doorashooyinku cayimeen lagu qaban karin doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada maaddaama oo ay isa-saar mar la wada qabanayo yihiin, sidoo kalena aanu jirin Sharcigii lagu soo dooran lahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.
Guddiga ka soo talo-bixinta muddada loo kordhinayo Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, ayaa la filayaa inay Sabtida soo socota talo-bixinta iyo aaraah-ururinta Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka u gudbin doonaan Gol-weynaha Guurtida oo sharciyan awood u leh kordhinta muddada Gole wakhtigiisu dhammaanayo oo ka mid ah Golayaasha Qaranka Somaliland, waxaanay Beesha Caalamka ee Somaliland dhaqaalaha doorashooyinka ka taageerta iyo Xisbiyada Mucaaradka ahiba ugu soo jeediyeen inay is-waafajiyaan xilliga ay kordhinayaan iyo wakhtiga Komishanku u cayimay qabashada doorashooyinka ee halka sano ah, waxaanay ka digeen inaanay muddo dheeraad ah inay ku kordhiyaan ku kicin Guurtidu.
Hase-yeeshee, waxaa jira olole xooggan oo lagu doonayo in xilli sannadkaa ka badan ay kordhiyaan Golaha Guurtidu, marka loo eego Baaqyo kala duwan oo Madaxda dhaqanka Beelaha Somaliland ee gobollada dalka ku kala sugan ka soo yeedhaya, kuwaasoo ku waajahan inay Guurtidu xaq u leedahay inay kordhiyaan wakhtiga ay iyagu doonaan oo aan cidi u yeedhin karin. Waxaana laga cabsi qabaa inay Guurtidu fuliso rabitaanka Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo lagu sheegay inay qorsheeyeen in loo kordhiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka muddo laba sano ah ama ugu yaraan sannad iyo siddeed bilood ah, iyada oo go’aanka rasmiga ah ee Guurtida la sugayo Sabtida ama maalmaha ku xiga ee toddobaadka soo socda.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment