Thursday, May 7, 2015

Somaliland iyo dalal ay ku jirto oo looga digay halista argaggixiso isku soo qarisa Qaxoontiga Yemen ka Qaxaya

llaa 600, oo Argaggixisada Al-Qaacidada Yemen ka tirsan, ayaa ku soo dhex-dhuuntay Qaxoontiga soo gaadhay Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo 300 Maxaabiis Kooxdu jabsatay ahaayeen
Washington, 07 May, 2015-(Himilo)- Saraakiil Maraykan ah, ayaa sheegay shalay in Kooxaha argaggixisada ah ee jooga dalka Yemen xilligan u soo wareegayaan dalka Soomaaliya, isla markaana qaarkood la filayo inay u soo tallaabaan deegaanno ku yaal Somaliland iyo Puntland.
Booqasho kedis ah oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Salaasadii, ayaa Saraakiil Soomaali ah la sheegay inay kula socodsiiyeen jiritaanka halis cusub oo kooxaha argaggixisada Al-Qaacida ee Yemen ku keenaan waddamada gobolka ku yaal.

[gallery ids="19015,19014"]

Xoghaye Kerry oo la sheegay inuu ballan-qaaday taageero dheeraad ah oo Maraykanku ka siiyo Soomaaliya la-dagaallanka iyo ka-hortaga argaggixisada ka dagaalami jirtay dalka Yemen oo la filayo inay isku soo dhex-qariyaan Qaxoontiga soo gaadhaya waddamada gobolka ku yaal.
Saraakiisha Sirdoonka, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga digay joogitaanka araggixiso waddanka Itoobiya gaadhaysa lix boqol ama ka iman doona wakhtiga dhaw dalka Yemen ee ay dagaallada sokeeye ka socdeen bilihii u dambeeyey.
Inkastoo Qaxoonti gaadhaya illaa shan kun oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen soo gaadheen magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera, ayaa Masuuliyiinta Somaliland iyo Puntland sheegeen inay si dhaw ula socdaan, isla markaana uga baadhi doonaan Qaxoontiga soo gaadhaya inaanay isku soo dhex-qarin kooxaha argaggixisada ka dalaami jirtay Yemen ee Al-Qaacida iyo weliba Xuutiyiinta dagaalka kula jira dawladda Yemen.
Qaxoontiga soo gaadhaya Soomaaliya ayaa wararka Sirdoonku sheegayaan inay ku jiraan saddex boqol oo Maxbuus ka soo cararay Xabsi ku yaal Yemen oo bishii April kooxaha Al-Qaacida ka jebiyeen goobaha ay ku xidhnaayeen, oo Doonyaha sida Qaxoontiga ka yimaadda Dekedda Mukhala looga shakisan yahay inay ku jiraan.
Sarkaal Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ahaan jiray oo lagu magacaabo Bruce Riedel, ayaa sheegay in hayaanka argaggixisada Al-Qaacidada Yemen muujinayso inay isku ballaadhinayaan gobolka geeska Afrika. “Hayaanka argaggixisada Al-Qaacidada Yemen waxay muujinaysa qorshahooda ah inay qalalaase abuuraan, una tallaabaan saaxiibbadooda geeska Afrika.” Sidaa ayuu yidhi Bruce Riedel.
Hay’adaha Sirdoonka Maraykanka, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan la socodka hayaanka argaggixisada, halka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku waddo siyaasadihii lagu waajahi lahaa la-dagaallankooda. Laakiin, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Kerry, ayaan ku soo qaadin hadalkiisii kooxaha argaggixisada Al-Qaacidada Yemen, halka Afhayeen u hadlay Hay’adda Ammaanka Maraykanku ka gaabsadeen inay ka hadlaan, balse waxa la sheegay inuu Saraakiisha Ciidammada Soomaaliya ee dhinaca Sirta iyo Saraakiisha AMISOM si gaar ah ugala hadlay Kerry intii uu ku sugnaa Muqdisho.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment