Thursday, May 7, 2015

“Waa nasiib-darro, iyadoo Somaliland qaangaadhey oo aynu ku jirno sannad-guuradii 24-aad in Rag u hadlayaan sidii xilligii aynu Beelaha ahayn..”

Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ku baaqay in Golaha Guurtida loo daayo go’aan ka gaadhista muddo-kordhinta
Hargeysa, 07 May, 2015-(Himilo)- Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland oo Warbaahinta qaarkeed u warramay, ayaa ku dhalliilay Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta inay hanjabaado iyo haddidaad kula kacaan Golaha Guurtida oo uu sheegay inay xaq u leeyihiin in muddo-kordhin ay u sameeyaan Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo wakhti-xileedkoodu dhammaanayo 26-ka June 2015-ka.
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha xaaladda dalka iyo dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka iyo awoodaha sharci ee ay kala leeyihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Golaha Guurtida.
suldaan-Ibraahin-Jaamca-SamatarSuldaanka oo ugu horeyn ka hadlay in Beelo loo wadahadlo, waxa uu yidhi; “Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa in mar walba laga fikiro oo la eego danta ummadda reer Somaliland iyo siday nabadgelyadu ku jirto, dawladnimadu ku jirto iyo in la kala dambeeyo oo mar walba Xukuumaddeenna aynu u igmannay inay dalka ka taliso looga dambeeyo arrimaheeda.”
“Waxaan arkayey maalmahan dad farabadan oo Madax-dhaqameed u badan oo beelnimo ku hadlaya, oo shaashadaha Telefishannada intay soo fadhiistaan ka hanjabaya, waa nasiib-darro, iyadoo Somaliland qaangaadhey oo aynu ku jirno sannad-guuradii 24-aad in wali Rag u hadlayaan sidii xilligii aynu Beelaha ahayn, oo ay telefishannada ka hanjabaan, waa nasiib-darro. Somaliland waa tii aynu wada dhisannay oo Beelaha Somaliland oo dhan ayaa wada leh, cid gaar u leh oo ku hanjabi kartaana ma jirto, waxaanannu leenahay haka tanaasuleen Madax-dhaqameedka beelnimada ku hadlaya ee hanjabayaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.
Waxa kale oo uu Suldaan Ibraahin ka warramay hawlaha shaqo ee ay kala leeyihiin Golaha Guurtida iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku, waxaanu yidhi; “Dadku waa inay fahmaan hawlaha ay kala leeyihiin Guddiga doorashooyinka iyo Golaha Guurtida, Komishanku waxay ku shaqo leeyihiin doorashada, waxaanay sheegi karaan waqtiga ay doorashada ku qaban karayaan, waanay sheegeen. Laakiin, muddo-kordhinta Xukuumadda waxa u xilsaaran Golaha Guurtida, Ragga Golaha Guurtida maanta aflagaadeeynaya waxaan leeyahay Golaha Guurtidu miyaanu ahayn Golihii shalay markay rabshaduhu ka dhacaan Somaliland u soo gurmanayey ee kala badbaadinayey? Guurtida had iyo jeer waynaga ku hambalyeeyna markay soo afjarto khilaafaadka Xukuumadda iyo Axsaabta, Guurtidu waa Hay’adda u sarreeysa ee innoo qaabbilsan nabadgelyada iyo muddo-kordhinta, iyadoo la eegayo duruufaha iyo hadba wixii waddanka ka taagan.”
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Mar haddii Komishankii caddeeyey in doorashadii dib u dhacayso, xaq waxa u leh inay muddada kordhiyaan intii ay doonaan waa Golaha Guurtida, haddii aanay muddadaas sannadka xattaa aanay Guurtidu kordhin dawladnimo ma jirayso, Ragga ku hanjabaya hala dhiso dawlad loo dhanyahay ama wada-jir ah.”
“Waxaan leeyahay dawlad baa innoo dhisan, doorasho ku timid, ee waddanka fawdada hallaga daayo, oo Xukuumaddana hawlaheeda halloo daayo, Golaha Guurtiduna iyagaa xaq u leh ee hallaga war-sugo oo yaan laga sii hordhicin, oo aan la sii qaylin, haddii aannu Madax-dhaqameedkii dalka nahayna xaq uma lihin. Waxaannu taageeraynaa wixii dan, midnimo iyo nabadgelyo ku jirto.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment