Saturday, October 17, 2015

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland oo Sheegay Inuu u taaganyahay Jagada Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE.

Hargeysa (Himilo)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland mudane cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaciil (Saylici) oo kulan Qado sharaf ah oo Saxaafaddu dibed joog ka ahayd maanta ku qaabiley odayaasha iyo Xubnaha Golaha dhexe ee beelaha Gar-xajis ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga KULMIYE.
Madaxwayne Kuxigeen waxaa uu taageerada xubnaha Golaha Dhexe waydsiitay xubnaha golaha dhexe ugu jira Beelaha Garxajis ““Waxa aanu magan idiinka nahay in aad iga yeeshaan Garxajisoow sidii aad Muuse Biixi Ka Yeesheen oo aad igu xigsiisaan” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland muu shaacin musharax uu u yahay ku xigeen balse xubnaha golaha dhexe ee uu maanta qado sharaf u sameeyay ayaa hore u taageeray guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muse Biixi Cabdi.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment