27 Sept. 2015 madaxweynihii jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud wuxuu safar shaqo ugu kicitimay dalalka imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Ireland markii uu casuumad rasmi ah ka helay.
Dhawr maalmood kaddib markii uu dhamaaday wada hadaladii uu la lahaa madaxda Ireland wuxuu booqasho aan rasmi ahayn oo isaga u gaar ah ku tagay boqortooyada Ingiriiska oo uu weli ku negi yahay.
Madaxweynuhu wuxuu dhoofay iyada oo dhibaatooyin ka jiraan dalka sida dhaqaale xumo iyo sixir barar aafeeyey suuqyada iyo noloshii dadweynahaba siiba kuwa danyarta ah, wuxuu dhoofay iyada oo dalka ay ka jiraan abaaro baahsani iyo biyo la’aan, waxa kale oo jiray oo uu ka tagay xiisad iyo ismaan dhaaf sharci oo u dhaxeeyey xukuumadda iyo golaha wakiilada iyo buuq ka dhashay wareejinta Haamaha shidaalka; safarkiisa ka hor madaxweynuhu wuxuu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay ka soo qayb galaan ciyaar kubadda cagta ah oo siidhiwalihii ka maqan yahay waliba isaga oo aan si “official” ah u shaacin inuu ciyaarihii ka fadhiistay iyo in kale.
Intaas oo dhan oo jirtay haddana dabedii waxa dhacay rabashado kale oo dad ku dhintay. Runtii xaalada dalku marayo may ahayn inuu masuulkii ugu sareeyey ka maqnaanado muddo intaa leeg, waxay ahayd inuu soo gaabiyo booqashadiisa.
Si kastaba ha ahaatee waa wax dhici kara inay madaxweynaha la soo darsaan xaalado uu dalka kaga maqnaan karo waxaase masuuliyadihii madaxweynaha la wareega oo hawlaha sii wada madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada oo is xilqaan dheeraad ah muujiya si aan loo tabin maqnaanshaha madaxweynaha laakiin raggii uu dalka kaga tagay: madaxweyne ku xigeenkii, golihii wasiirada intooda badan, agaasimiyaashii guud iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dawladu waxay u kala ololeynayaan musharixiinta ku loolamaya hanashada murashaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, waxay faraha ka qaadeen hawlihii ay qaranka u hayeen, lama tago xafiisyada, iyadoo ay markii horeba baylihi jirtay ayey haddana sii baylahday.
Dadweynuhu waxay la yaaban yihiin ama ku qoslaan marka ay shaashadaha ka daawadan saddex masuul oo ka wada tirsan wasaaradda qudha (wasiir, wasiir ku-xigeen iyo agaasime guud) oo kala taageeraya ama la kala safan saddex musharax.
Waxaa baaqday shirarkii golaha wasiirada, talo iskuguma yimaadaan kooxiba koox ayey ku maqan tahay oo isma arki karaan. Maadaama oo aanay jirin xukuumadda wada socota laysma waydiin rabshadihii Boorama ka dhacay iyo khasaarihii ka dhashay, damintii shaqaaqada waxa ku kaliyeystay ciidamada bilayska oo taageero ka helayey ciidamada qaranka. Wali waxa maqan doorkii iyo siyaasadii xukuumadda si xal kama dambays ah looga gaadho wixii dhacay iyo wixii sababay.
Si kale haddii loo dhigo waxa laysku raacsan yahay in aanay maanta dawlad shaqaysaa ka jirin dalka.
Gabgabo:
Shacabkii Somaliland wadnaha ayey farta ku hayaan waxay ka baqanayaan in laga kala tuuro nabadgelyada iyo wixii ay dib u yabyabeen afar iyo labaatankii sanadood ee u dambeeyey oo ay madaxdii dalku sabab u tahay, waxay isku hiifayaan inay doorteen xisbi iyo xukuumadda aan masuuliyada dalka qaadi Karin.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahamanadami@yahoo.com
No comments:
Post a Comment