Thursday, May 15, 2014

Buuhoodle: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay iska-horimaad laba beelood ku dhexmaray Deegaanka Qeydarka




Saan-saan Colaadeed oo laga Cabsi-qabo inay mar kale Qaraxdo


                       


 


Qorilugud, 15 May, 2014 (Himilo)- Inta la ogyahay Laba qof ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay iska-horimaad shalay laba beelood ku dhexmaray deegaanka Qeydarka oo ku yaala meel u dhaxaysa degmooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle.


Wararka aanu ka helaynayo deegaanaas, ayaa sheegaya in Xurgufta khasaaraha dhimashada ah sababtay ka bilaabantay ka dib markii shalay subaxnimo maleeshiyo-beeleed ka soo jeeda degmada Buuhoodle ay weerar gaadmo ah ku dileen Nin deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Qorilugud, taasina ay sababtay is-abaabul iyo guluf aar-goosi ah oo beesha Qorilugud gelinkii dambe ee shalay qaadeen ku dileen Marxuum ku dhashay deegaanka Buuhoodle halka mid kalena ay ku dhaawaceen.


Deeqaanka Qeydarka oo ah dhul-daaqsiyeed u dhexeeya labada degmo, dhowaan-na roobabka gu’gu si wacan u biyo-dhigeen, ayaa dadka reer-guuraaga ah ee ka soo kala jeeda laba beelood soo degeen si ay xoolahooda ugu helaan biyo iyo baad, waxaana la sheegayaa in arrintaasi sabab u ahayd khilaafka xurguftan sababta u ah.


Wararkii u dambeeyey ee deegaankaas laga helayo, ayaa sheegay inay xaaladdu kacsan tahay isla markaana dhinacyada khasaaruhu soo kala-gaadhay ay ku jiraan abaabul ciidan, waxaana laga cabsi qabaa colaad hor leh oo ka dhex-dilaacda deegaannadaas.


Xukuumadda Somaliland ayaan weli ka hadlin shaqaaqada ka soo cusboonaatay deegaankan oo wakhtiyo kala duwan hore iska-horimaad ugu dhexmaray labadan beelood, inkastoo wada xaajoodyo lagu dhamaynayey khilaafkaa u baaqday diyaar-garow la’aan dhinaca beesha Buuhoodle, sida hore u sheegay Garaad Saleebaan Burde oo dhowaan u warramay wargeyska Himilo.


Himilomedia.com       


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment