Xukuumadda Maraykanka ayaana Si rasmi ah u shaacisay in diyaaradaheeda wax basaasa u dirtay dalka Nigeria si gacan looga siiyo dowladaasi baadi goobka gabdhihii ay afduubteen kooxda Boko Xaram.Diyaaradaha Maraykanka u diray dalka Nigeria ayaa ah kuwa jawiga sare ku duula ee xogta u aruuriya Militariga Maraykanka, waxaana la sheegay inay raadinayaan goobaha lagu hayo gabdho ka badan 200 oo ay afduubteen kooxda Boko Xaram.
Maalinimadii shalay (Isniin) ayey kooxda Boko xaram soo bandhigtay cajal muuqaal ah oo laga soo duubay gabdhihii la afduubay oo ku labisan xijaab, isla markaana akhrinaya Quraan.
Hogaamiyaha Kooxda Boko Xaram ayaa sheegay in gabdhihii ay qafaasheen ay qaateen diinta Islaamka.
Beesha Caalamka ayaa Haatan isu diyaarinaysa sidii Hablahaas looga soo Babbaadin lahaa Kooxda Haysata, waxana la diyaarinayaa Istiraatiijiyaddii iyagoo badqaba lagu heli lahaa iyadoo meesha laga saarayo in la galo wax waan waan ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment