Saraakiisha hay’adaasi ayaa sheegay in ruux ay baadigoobayaan uu caawiyay Alshabaab, isagoo dhaqaale usoo diray marar badan, isla-markaana uu dhaqaalahaasi Galay Gacanta Ururka Al-shabaab.Qaadiga maxkamada Federaalka San Deigo ayaa ku eedeeyay sanadkii 2009-kii ruuxaas oo magaciisa Mustafe lagu soo koobay inuu agab iyo dhaqaale uu ku taageeray Alshabaab oo Maraykanku daba-gal weyn ku hayo.
Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa da’da Mustafe ku kala sheegtay 32 ilaa 27 sano jir ah, iyadoo hooyadiis lagu sheegay inay American tahay, aabihiina uu yahay Syrian waxaana la sheegay inuu guursaday haweenay Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Mustafa uu la kulmay Anwar Al- Awlaki xiligii Osama Bin Laden sanadkii 2000, lix sano ka dib ayaana la sheegay inuu u safray dalka Yemen halkaasi oo Mr Awlaki uu ku noolaa ka hor inta aanay dilin ciidamada Mareykanka sanadkii 2011.
Mustafe ayaa kamid ah tiro dad America ka yimid oo ku biiray ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay.
Hargeysa
Himilo Desk
No comments:
Post a Comment