- Ingiriiska oo Somaliland kala hadlay Kulankii Dhexmaray M/weynaha Puntland
- Ujeeddada socdaal todobaad kasta ay Hargeysa ku timaaddo Sarkaalad ka tirsan Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa
Hargeysa, 03 May, 2014 (Himilo)- Haweenay dhinaca siyaasadda u qaabilsan safaaradda Ingiriisku ku
leeyahay magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya oo todobaadkan socdaal ku timi dalka, ayaa kulan la qaatay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo wefti dhawaan Hargeysa soo gaadhay oo dhinaca Aqoonsi-raadinta ka caawinaya Somaliland.
Haweenaydan oo lagu magacaabo Lizzie Lovett, ayaa xukuumadda Somaliland kala hadashay natiijada waxyaabihii laysku afgartay kulan wasirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibaddu todobaadkan kula yeesheen magaalada Hargeysa madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed (Gaas). Halka sidoo kulanka ay la qaadatay wefti ka socday shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika oo Somaliland aqoonsi-raadinta kala shaqaynaya, ay ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha dhinacyada dawladda Ingiriisku ka taageerto Somaliland.
Ms Lizzie Lovett oo maalintii Khamiistii Socdaal ku timi Somaliland, ayaa Wargeyska Himilo fursad u helay inuu wax ka weydiiyo ujeeddada socdaalkeeda, waxaanay sheegay todobaad kasta inay timaaddo magaalada Hargeysa, balse waxa ay gaabsatay inay wax tafaasiil ah ka bixiso ujeeddada safarrada ay todobaad kasta ku timaaddo Hargeysa, kaas oo nuxur ahaan ay ku soo koobtay mid la xidhiidha arrimaha siyaasadda mandaqadda, in kasta oo ay sheegtay magaalada Hargeysa inay kulamo kula qaadatay wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Gudaha Somaliland.
Haseyeesheee, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey ujeeddada socdaalka haweenaydaas, ayaa sheegay haweenaydaasi kulan la qaadatay wefti ka socday dalka Koonfur Afrika oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kala shaqaynaya dhinaca aqoonsi-raadinta.
“Waxaanu kulansiinay wefdi nagala shaqeynaya arrimaha ictiraaf-raadinta oo dalka Koonfur Afrika ka socday, waxaanay ka wareysteen dhinacyada dalka Ingiriisku ka taageero Somaliland, hadday tahay arrimaha ammaanka, dhaqaalaha ay bixiso hay’ada kaalmada caalamiga ee Ingiriiska DFID iyo arrimo la xidhiidha,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay kulan ay haweenaydani kaga wada-hadleen wada-hadal magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland iyo wasiirro uu ka mid yahay, kaas oo uu sheegay inay si gaar ah u xiisaynaysay.
“Waxay aad u xiisaynaysay kulankii aanu yeelanay madaxweynaha Puntland, waxaanan u sheegay inaan arrimo ku saabsan danta iyo nabadgelyada ka wada hadalnay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.
Ms. Lizzie Lovett oo khadka twitter-ka xog-waraysi kooban ku siisay Wargeyska Himilo oo weydiiyey su’aalo la xidhiidha ujeeddada socdaalkeeda Hargeysa, ayaa sheegtay todobaad walba booqasho ku timaaddo Somaliland, balse waxa ay ka gaabsatay ujeeddooyinka rasmiga iyo qodobbada uu ku saabsan yahay kulamada ay la yeelato masuuliyiinta Somaliland.
“Socdaal ayaan ku imaaddaa Somaliland usbuuc walba, maadaama aan ahay sarkaalad qaabilsan siyaasada, waa waajibkayga inaan kulamo la yeesho masuuliyiinka xukuumadda si joogto ah, gaar ahaan wasiirka Khaarajiga,” ayey tidhi Ms Lizzie.
“Waxaan Khamiistii la qaatay kulan aanu kaga wada xaajoonay arrimo dhinacyo badan leh. Waxaan sidoo kale kulan la yeeshay wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, oo an uga xog-waramayey halka ay marayaan hawlaha aanu wadno, si joogto ah ayaan u kulanaa,” ayey tidhi haweenaydan oo ka hadlaysay masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan ee kulamadu dhex-maraan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment