Jawaari iyo Nicolas Kay Oo Horboodaya Tallaabooyin Iscasilaad Lagaga
Dalbanayo Madaxweynaha Somaliya Iyo Mudanayaal Ku Hanjabay Mooshin ka
Dhan ah
Muqdisho: (Himilo)-Cadaadis ayaa ku sii kordhaya Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Haatan Mooshinka ka dhan ah saxeexay in ku dhaw 133-xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaanada ayaa shirar Gooni-gooni ah ku leh Huteello ku yaalla Muqdisho, waxana ay lafo-gur ku hayaan Waxyaabihii ay madaxweynaha Iscasilaadiisa u cuskanayaan.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in go’aankan ay la qabaan guddoomiyaha baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo isaga laftiisa la sheegayo inuu qabo aragtida Madaxweyne Xasan sheikh Xilka lagaga qaadayo.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo akhriyay go’aanka ka soo baxay 133-da xildhibaan ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku guul darraystay waxyaabihii uu ballan qaaday markii la doortay oo ahayd in dowladiisa ay ku shaqeyn doonto lix tiir oo uu ugu horreeyo ammaanka, kaasoo uu siinaayo ahmiyadda koowaad, labaad iyo seddaxaad, balse uu dhammaan arrimihii uu ballan qaaday uu ku guuldarraystay.
Waxa uu Xildhibaankani sheegay in dilalka iyo qaraxyadu ay noqdeen kuwa joogto ah oo xittaa markii Shabaab ay haysteen magaalada Muqdisho aanay dhicin qaraxyadda dhacay inta uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ayaamihii ugu dambeeyey qaraxyo lagu laayey Xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaano Baarlamaanka.
Waxa uu Xildhibaankani uu sheegay madaxweynaha inuu ku tuntay dastuurka dalka u yaalla, isagoo si cad u diidday in la sameeyo maxkamadda dastuuriga iyo in la sameeyo guddiyo dastuuri ah oo sharcigu dhigayey in la sameeyo.
Waxyaabaha kale ee Madaxweynaha lagu haysto ayaa ka mid ah in Dagaalada Beelaha ku Nool Somaliya ay soo noqnoqdeen, isla-markaana aanay wali si rasmi ah looga Hawlgelin goobo laga saaray kooxaha Al-shabaab oo ay dib ugu soo noqdeen.
Sidoo kale waxa jira Warar Hoose oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ay madaxweyneyaal Gobolka ka tirsani kula taliyeen inuu is casilo, maadaama Beesha caalamku Haatan garowsatay inuu Tahli kari waayey inuu qabto waxyaabihii la isku ogaa inuu qabto.
xildhibaannada ku shiray Muqdisho ayaa sheegay haddii aanu madaxweynuhu qaadan tallooyinka iyo go’aanka ay soo saarayaan in baarlamaanku ay si toos ah mooshin uga keeni doonaan maadama caalamka hadda uu diiddan yahay madaxweynaha.
Kulankan lagu gorfaynayey Iscasilaadda Madaxweynaha waxaa Goob-joog ka ahaa siyaasiyiin caan ah waxaana ka mid ah Cabdi Samad Macallin Faarax oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha dowladii Shariif Sheekh Axmed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment