Thursday, May 15, 2014

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Dhibaatada Turkiga ka soo gaadhay Qarax ka kacay God Macdanta laga qodo




Hargeysa, 15 May, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay qarax dhibaato baaxad leh oo isugu jira khasaare dhimasho, dhaawac iyo hantiyeedba soo gaadhay dawladda Turkiga, kaasoo ka qarxay God Macdanta laga qodo oo ku yaalla Galbeedka dalka Turkiga.


madaxweyne-Siilaanyo2Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo uu Madaxweynuhu isagoo ka tiiraanyeysan dhibaatada qaraxaas ka dhalatay tacsi ugu dirayo Shacabka iyo dawladda Turkiga, u dhignaa sidan:-


“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca shacbiweynaha JSL, waxa uu ka tacsiyadeynayaa dawladda  iyo shacbiga Turkiga muwaadiniintii wadankaasi  ee ku naf waayay mid ka mid ah goobaha  macdanta laga qodo oo dad qabsaday, iyadoo ay shilkaasi ku dhinteen ALLE ha u naxariistee dad ka badan 200 oo qof, halka wali ay socoto dedaalo lagu badbaadinayo illaa saddex boqol oo qof oo kale oo ku hoos jira godkaasi.


Madaxweynuhu waxa uu  dhambaal tacsi ah u diray  Raysal wasaaraha Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan, waxaanu madaxweynuhu sheegay inay qaran ahaan dawladda iyo shacbiga Somaliland shilkaas dhimashada weyn keenay, dareen ahaanna ay xanuunka shilkaasi ka dhalatay ay la qaybsanayaan walaalahooda Turkiga.


Madaxweynaha Somaliland waxa uu dadka shilkaasi ku dhintay ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxa kale oo uu EEBE uga baryay  dadka baadi goobka loogu jiro ee ku hoos jira godadkaas macdanta inuu ILAAHAY ka samato bixiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland


               

No comments:

Post a Comment