Tuesday, May 6, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Magacaabay Wakiilka Somaliland Ee Dalka Turkiga




Hargeysa (Himilo)Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa wakiil cusub u magacaabay inuu somaliland u fadhiyo dalka turkiga, waxaana magacaabistaasi lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha, war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran waa kan:-


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,  JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.


 


MADAXWEYNUHU:-


 


Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;


 


Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;


 


Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;


 


Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;


 


Markuu Ku Qancay:           in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;


 


Wuxuu go’aansaday


 


In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.


 


ALLAA MAHAD LEH


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment