Friday, May 16, 2014

Qarax Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi

Nairobi:May,16,2014(Himilo)-Qaraxyo  is daba joog ah ayaa Goor dhaweyd ruxay Goobo ku yaalla Suuq xidhiidhi ah oo ka mid ah Magaalada Nairobi.

brakQaraxyadan oo goor dhaweyd dhacay, ayaa la sheegayaa in ugu yaraan Afar qof oo shacab ahi ku dhinteen, halka ay tiro aad  u badani oo ka mid ah shacabkii Goobahaas joogay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa si gaar ah loola badhtilimaameedsaday Gaadhi Bas ah, kaas oo siday dad rakaab ah, iyadoo ay raaceen Qaraxyo kale oo isla goobtaas ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa lagu sheegay Suuq aad u mashquul ah, kaas oo maalmaha jimcaha si weyn looga Tukaamaysto.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegayaa inay Goobtaas xidheen, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa laga daad gureeyey goobahaas masiibadu ka dhacday.

Arrintan ayaaku soo beegmaysa diqniino ay maalintii shalay maraykanka iyo ingiriisku muwaadiniintooda uga digeen inay u safraan Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa, maadaama ay hayaan haliso sheegaya in qaraxyo la soo maleegayo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment