Waxaan rajeynayaa in dalka Nayjeeriya, oo ka mid ah wadamadda ugu saamaynta weyn qaarada Afrika, naga caawiso bilowga talaabadii lagu soo afjari lahaa khaladka lanagu hayo.
Abuja- (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa qoraal garnaqsi uu u jeediyey madaxdii caalamka ee ka qeybgelaysa kulanka dhaqaalaha adduunka ee ka socda dalka Nayjeeriya ku sheegay inay taagan tahay wakhtigii Afrika aqoonsi caalami siin lahayd dalkiisa (Somaliland).
Qoraalka Wasiir Biixi oo lagu baahiyey wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Nayjeeriya ayuu ku sheegay in isaga iyo dhamaan shacabka Somaliland rajeynayaan in kulankan dhaqaalaha aduunku mudan yahay in lagaga hadlo xaalada gaarka ee Somaliland, oo wakhtigan beesha caalamku weli ka mashquulsan tahay.
“Axada soo socta, (May 18) dalkaygu waxuu u dabaaldegayaa sannadguuradii 23aad ee ka soo wareegtay la-soo-noqoshada xornimadayada. Balse weli inkastoo aanu buuxinay dhamaan shuruudaha looga baahan yahay wadan si beesha caalamku u aqoonsato, haddana weli ma hayno aqoonsi buuxa, taasoo ka hrimanaysa taariikhda iyo xaqiiqada jirta.”
Wasiirka Khaarajiga oo ka hadlayey israacii Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi, “Waxii ka horeeyey 1960-kii kala gaar ayey ahaayeen, intaan midowgii lagu khasaaray aanu shruuud la’aan ula qaaday. Midowgaasi bilowgiiba laguma farxin, waxaanu gebi ahaan dhamaaday wakhtigii rajiimkii Siyaad Barre ku soo qaaday weeraro gumaad ah oo galaaftay nafahooda dad gaadhayey 50 kun, ka dibna markii Soomaaliya burburtay, Somaliland waxay gaadheen go’aan ay aayahooda kaga tashadeen.”
Mr. Biixi ayaa sheegay in dalkiisu doonayo kursi uu ku metelo hiigsiga iyo dareenka shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan doonaynaa kursi aanu ku metelo hiigsiga iyo dareenka shacabkayaga. Badi uma helo fursado aan kaga qeybqaadano kulanada sidan oo kale u muhiim ah ee lagaga hadlo arrimaha muhiimadaha balaadhan leh, ee sida tooska u saamaynaya shucuubta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Fursad uma helo ka qeybgalka shirarka Midowga Afrika, Baanka Horumarinta Adduunka iyo shir sannadeedka Qaramadda Midoobay,”
Waan dareensan nahay in xaalada Somaliland baddi loo fasirto si kale, ama inay halsi cusub ku keenayso qaarada Afrika, balse aqoonsi la’aantu keliya naguma hayso werwer, ee waa halis dhab ah oo saamayn ku leh nolosha qof kastoo bulshadayada ka tirsan, kuna rajoweynahay inaad ka gudbi doono caqabad kastoo naga hor timaada.
Waxaan rajeynayaa in dalka Nayjeeriya, oo ka mid ah wadamadda ugu saamaynta weyn qaarada Afrika, naga caawiso bilowga talaabadii lagu soo afjari lahaa khaladka lanagu hayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment