Wednesday, May 7, 2014

Tirada Carruur ku dhintay Roobab xooggan oo ka da’ay Muqdisho




Muqdisho, 07 May, 2014 (Himilo)- Inta la xaqiijiyey Afar Carruur ah, ayaa ku geeriyooday daadad xooggan oo ka dhashay Roobab muddo dhowr saacadood ah oo xidhiidh ah da’ayay magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi Soomaaliya Habeen-hore.


Roobab_MuqdishoMeelaha ay daadadkan saameeyeen waxyeeladana ay ka geysteen ee magaalada Muqdisho waxa ka mid ah degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka jidka shaqaalaha, suuqa siigaale, iyo dugsiga Axmed Gurey. Maxamud Cali Xassan, Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Degmada Hodan, ayaa VOA-da u sheegay in laba Carruur ah ay dhinteen, ka dib markii uu daad ku rogmaday Xero Barakacayaal oo degmada Hodan ku taalla.


Sidoo kale, Laba Carruur ah ayaa ku geeriyootay ka dib markii uu ku dumay darbiga guriga ay degganaayeen oo ku yaalla degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir. Axmed Ibraahin Nuur oo ay derisyihiin Carruurta geeriyootay oo laba gabdhood ahaa ayaa VOA-da u sheegay in derbi qadiimi ah uu ku dumay guriga ay qoyskaasi ku noolaayeen.


Daadad ayaa ku rogmaday qeybaha laga dhoofo, kuwa laga soo dego, iyo qeybta VIPda ee Garoonka aaden Cade international Airport ee Magaalada Muqdisho. Maareeyaha Garoonka Axmed Ibrahim Imaan, ayaa isaguna VOA-da u sheegay in daadadku ay ka dhasheen marin ay markii hore biyuhu mari jireen oo loo xidhay sababo ammaanka la xidhiidha awgood.


Maareeyuhu waxuu sheegay in daadadku aysan saameyn ku yeelan howlihii iyo dhaq dhaqaaqii garoonka diyaaradaha. Raxmadan ayaa ku hoortay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, xilli dadka iyo duunyadu ay aad ugu baahnaayeen inay kaga qabawsadaan kuleyka, dabeysha iyo Omos ka jiray deegaannadaa oo Abaari ka jirtay bilihii u dambeeyey.


Hase-yeeshee, markasta oo Roobab ay da’aan waxaa dhibaatada xooggeedu ay soo gaadhaa dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Guryo cooshado ka sameysan oo aan ka difaaci karin daadadka, dabaylaha iyo qabowga. Waana taa sababta afarta qof ee Roobabkan habeen-hore ku nafwaayay ay u noqdeen Carruurta qoysaska Barakacayaasha ah.


Qaar ka mid ah Barakacayaasha ay daadadka habeen-hore qaadeen, ayaa loo daabulay Xero qaxoonti oo ku taalla agagaarka Kaantarroolkii hore ee Afgeeye ee Afgoye isla duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Waddanka Soomaaliya.


Qaramada midoobay ayaa dhawaan ka digtay dhibaato bani-aadaminnimo oo ka dhalan karta Roobabka oo waqtigooda ka soo dib dhacay inta badan dhulka Soomaalida, gaar ahaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay. Waxay Qaramada Midoobay ka digtay Macaluul iyo Abaaro ka dhalan kara Soomaaliya, iyaga oo Afar Hay’adood oo kuwa Qaramada Midoobay ahi Warbixin ay soo saareen toddobaadkii hore si gaar ah farta ugu fiiqay gobollada ay ka socdaan dagaallada u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Ciidammada is-bahaysiga ee Midawga Afrika iyo kuwa Soomaaliya.


Waxay sheegtay Qaramada Midoobay in dhibaatada Roob la’aantu ay halis ku heyso nolosha kumamnaan kun oo Soomaali ah. Xilli Roobaadkan hadda lagu jiro oo caadiyan-ba da’a inta u dhaxeysa bilaha April iyo June oo muhiim u ah wax soo-saarka Beeraha, ayaan weli ka bilaaban meelo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale gobollada Bariga Soomaaliya iyo Somaliland.


Himilomedia.com                                           


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment