Sunday, May 18, 2014

Wacdarihii Saaka ee 18-ka May iyo Oday-dhaqameedkii Reer Muqdisho Oo Marag Ka Noqday Wixii dhacay

Hargeysa:May,18,2014(Himilo)-Waxa saaka Taariikhda Markii ugu horraysay Munaasibadda Xuska 18-Ka May ka soo qayb Galay Goob-joogna ka ahaa in Oday-dhaqameed ka soo jeeda Koonfurta Somalia kas soo qaybgalaan.

jaanTiro badan oo ka mid ah Xubnahaas Oddayaasha ah ayaa saaka la fadhiisiyey Dhinaca Bidix ee Goobta ay waftiga madaxweynuhu  fadhiyeen, iyagoo si dhug leh uga il buuxsamayey dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa ee  hortooda ka socday.

Odayaashan oo intooda badani ka yimi magaalada Muqdisho, ayaa u muuqday kuwo u muusoonaya wanaagga iyo tacabka dawladnimo eek a socday hortooda, waxana sidoo kale ay muujinayeen Dareen ah inay garwaaqsadeen horumarka ka jira Somaliland.

Waxa ujeeddada odayaashan Goobta loo fadhiiyey ay ahayd inay marag ka noqdaan Habka iyo Hannaanka dawladanimadu ku dheehan tahay ee Maalintan looga xuso Somaliland, waxana lagu guulaystay inay indhahooda wax ku arkaan.

Qaar ka mid ah odayaasha oo warbaahinta u sheegay darreenkooda ku aaddan sida ay u arkaaan Munaasibadda ay markhaatiga ka yihiin, waxana ay si waadix ah u sheegeen inay Somaliland u qalanto in la ictiraafo.

Waxay ay xubno ka mid ah odayaashani sheegeen inay si weyn ugu faraxsan yihiin wacdarihii hortooda ka dhacay, isla-markaana ay garwaaqsadeen in aqoonsiga Somaliland raadinaysaa uu yahay mid ay u qalanto.

Odayaal dhaqameedkan ayaa ay xukuumadda Somaliland u fidisay Casuumad muddo dhawr toddobaad ka hor ah, waxana ay haatan u diyaar garoobayaan sidii ay ugu noqon lahaayeen Dalkoodii iyagoo sida Farriintii ay Somaliland ka qaadeen.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment