Wednesday, May 14, 2014

Xukuumadda oo Wax Asluubta Wanaagsan ka baxsan ku tilmaantay hadallada ay Mucaaridku ku dureen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya

Hargeysa, 14, May, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay, isla markaana dhalliishay hadallo ay Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Xubno ka tirsan Xisbiyada UCID iyo WADDANI ay kula kaceen Oday-dhaqameedyada Beelaha Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo Arbacadii hore booqasho ku yimi magaalada Hargeysa oo ay weli qaarkood ku sugan yihiin, waxaanay Xukuumaddu hadalladaa ku tilmaantay kuwo ka baxsan milgaha iyo anshaxa suubban ee lagula dhaqmo martida waddankaaga amaba gurigaaga joogta.

Cabdilaahi Maxamed Daahir  Cukuse AAAWasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay Warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo isaga iyo Wefti Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo oo waddanka Ingiriiska kaga qaybgalaya Xuska 23-guurada gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka bishan May, ka ambabaxayeen, ayaa sheegay inay dadka iyo dawladda Somaliland dani ugu jirto inay Odayaasha Dhaqanka ka socda Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahaan jirtay fahmaan qaddiyadda Somaliland iyo heerka ay gooni-isu-taaggooda ka taagan yihiin Shacabka iyo dawladda Somaliland.

Wasiir Cukuse oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey aragtiyo kala duwan oo ay Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaridku ka bixiyeen, kuna tilmaameen socdaal siyaasadaysan oo qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland lid ku ah, iyagoo xusay inay Xukuumaddu soo casuuntay, isla markaana aanay Masuuliyiinta Xukuumaddu wax kulan ah la yeelannin, wax faahfaahin hufan ahna ka bixin, waxa uu ku dooday inuu ka xishoonayo erayada qaar lagula kacay Odayaashaas.

“Hoggaamiyayashaasi waa hoggaamiyayaal dhaqan, innaguna ummad Islaam ah ayaynu nahay, dhaqanna waynu leenahay, ka Soomaaliga ah, ka Itoobiyaanka ah, ka Carabka ah iyo cid kasta oo danteennu gasho ama aanay gelin ee aynu derisnimo iyo Islaamnimo kulanno waxaynu u xushmaynaynaa sida Bina-aadaminnimadu inna fareyso, asluub baanay leedahay marka qofku gurigaaga joogo lagula hadlo, asluub lagula dhaqmo, asluub lagu xishmeeyo iyo asluub lagu marti-geliyo, adigoo dantaada wata, adigoo qaddiyaddaada difaacanaya, adigoo qaddiyaddaada fahamsiinaya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigeilnta Somaliland.

Waxaanu Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo yidhi; “Waxay innaga muhiimaddeennu tahay Shicib, dawlad, Golayaal iyo Madax-dhaqameed-ba, Nimankani waa Odayaasha waddankii Soomaaliya ee aynu kala tagnay in ay fahmaan qaddiyaddeenna dan baa innaga innoogu jirta, inay fahmaan halka ay Shicibkeenna, dawladdeenna iyo dadkeennu marayo dan baa innoogu jirta.”

“Laakiin, erayada qaar oo anigu aan kaba xishoonayo inaan afkayga ka idhaahdo qof martiya in lagu yidhaahdaa ma wanaagsana, asluub fiican maaha. Asluubtu waxa weeye markaad Odaynimo muujiso, Dhaqan, Diin iyo wax kastaaba waxay ku farayaan inaad qofka martida ah ula dhaqanto sidii qof adigu aad masuul ka tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse.

Waa markii ugu horreysay ee uu Masuul ka tirsan Xukuumadda Somaliland sidan oo kale uga hadlo dareennada ay Siyaasiyiinta Madasha iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ahi ka bixiyeen Safarka ay Somaliland ku yimaaddeen Madax-dhaqameedka ka socda Soomaaliya oo tiradoodu ahayd shan iyo afartan xubnood oo labaataneeyo ka tirsani Isniintii toddobaadkan dib ugu laabteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ay Arbacadii hore ka soo ambabaxeen.

No comments:

Post a Comment