Duqa magaalada Berbera, waxa uu sheegay inay waajib tahay in qof kasta oo dawladda hoose ka shaqeeyaa hawsha nadaafadda ka bilaabo gurigiisa iyo goobaha shaqada si ay qaybaha kale ee Bulshadu ugu dayato oo ay hormuud ugu noqdaan, waxaanu yidhi; “Dhagixii baa ku horyaalla, Qorigii baa ku hor-yaalla oo Xashiishkiibaa ku hor-yaalla dawlad Hoosena waad ka shaqaysaa, maxaynu ka shaqaynaa? Horta waa inaynu guryaheenna ka bilawnaa Nadaafadda si ay Bulshada inteeda kalena innoogu dayato.”“Waxaan idiin sheegayaa inay soo kordheen Dhalinyaro oo aqoontooda, cilmigooda iyo caqligooda laga faa’iidaysanayo oo Wiilal iyo Gabdhaba leh, maalin walba waxaynu ku casriyeynaynaa oo kordhinaynaa dhalinyaradu siday u hanan lahayd Maamulka ay maanta hayaan ugana midho-dhalin lahaayeen, ama Wiil ahoow ama Gabadh ahoowoo Xafiiskaaga ayuun baad shaqo ku leedahay, Shaqo aanu Agaasime-waaxeedkaagu kugu amrin haddii lagugu arko awaamiir baannu farnay innamada Ammaanka, qofkaasi kula hadli maayo, kuna dagaali maayo ee qoraal buu gudbinayaa, halkani waa Barxaddaas, kama shaqaysid barxaddan.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Ciddin oo la hadlayey Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee dawladda hoose ee Berbera.
Guddoomiye Ku-Xigeenka gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillaahi oo gebo-gabadii kulankaas Maayerku Shaqaalaha dawladda hoose ee Berbera la yeeshay ka soo qaybgalay, ayaa Guddoomiyaha golaha deegaanka Berbera ahna Duqa magaaladaas ku ammaanay firfircoonida shaqo ee ka muuqata, waxaanu yidhi; “Beryahan maan arag Guddoomiye inta uu dadkiisa isugu yeedho yidhaahda; ‘halkay wax innaga xun yihiin, maxay halkani hore ugu socon wayday….’ Kuwa kale waxaabay is-odhan jireen culays yaan lagu saarin ee iska qarso. Laakiin, waxaannu ku leenahay Guddoomiye aad baannu kuugu mahad-naqaynaa sidaad u firfircoon tahay ee aad hawsha u waddo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment