Kulanka oo shalay ka ku qabsoomay xafiiska Wasiirka, waxa ku wehelinayey Agaasime waaxeedyada Laamaha Wasaaradda, waxa uu wasiirku ka sheegay inuu diyaar u yahay wax-ka-qabashada tabashaadooda, isaga oo ballan-qaaday in dib loo eegi doono lana sixi doono khaladka jira, sida uu sheegay Md Cukuse oo markii kulankaasi dhammaaday saxaafadda madax-bannaan ugu warramay xafiiskiisa.Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu qiray jirtaanka cadaalad-darro aan laga sinneyn oo shaqaalaha qaarkood ka haysta Gunnada ay ka qaataan wasaaradda.
“Waxa jiri kara shaqaalaha qaar cabanaya iyo qaar aan cabanaynin, shaqaalaha wasaaradda Warfaafintu, shaqaalaha kuwa ugu ladan bay ku jiraan, waxay qaataan mushahar waxaana ay qaataan Gunno, Laakiin Gunnadaass, ayaa caddaalad-darro ka jiri kartaa,”ayuu yidhi wasiir Cukuse oo sababta keentay cabashada shaqaalaha ku tilmaamay inay ku timi dib-u-habayn ay wasaaraddu ku samaysay shaqaalaha oo ay guddi gaar ahi hoggaaminayeen. “Guddiyo ayaanu u saarnay inaanu dib u hayban ku samayno oo caddaaladdoodu sugnaato isku daynay, guddiyadaasna Wasiir-kux-xigeenkii hore, ayaa Guddoomiye u ahaa, Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha ayaana ku jira, waxna way soo go’aamiyeen, waxaas ay soo go’aamiyeen baana laga yaabaa inay kasoo baxdo wax ay shaqaalaha qaarkood dhibsadaan, waxaana ka soo bixi kara Khaladaas iyo inay inta badan xaq tahay oo sax tahay, balse annagu waxanu diyaar u nahay inaanu saxno oo hagaajino, waanay saxmaysaa, Imikana toddoba qof oo shaqaalaha ka mid ah ayaan u diray si dib loogu eego,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Wasiirku waxa uu cabashada ku sheegay, “Waa wax caadi ah, bani’aadamkuna waa kala caban karaan, caddaalad iyo caddaalad-darraba wax baa soo bixi kara, waana la dhamaynayaa, intay doonaadaanba ha ahaadeene annaga waxa nagu waajib ah qof shaqaale ah oo cabanaya inaanu qancino,” ayuu yidhi Wasiirku.
Sidoo kale waxa uu wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ka hadlay khilaafyo la sheego inay u dhexeeyaan isaga iyo madaxda wasaaradda, “Aniga iyo Cabdiwaaxid maanu murmin, aniga iyo agaasimahaygu ma muransanin, aniga iyo Shugri Xariir ma muransanin, waxanna buunbuunin baa ku jirta, shaqaalaha warfaafinta ee dibadda iyo kuwa warfaafinta ee guduhu waa walaalo’e aynu nasteexa ka wada shaqayno,”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment