Wednesday, March 12, 2014

Askar ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliya oo Xukun Dil ah lagu fuliyey

Muqdisho, 12 March, 2014 (Himilo)- Maxkamadda Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa Salaasadii shalay xukunno dil ah ku fulisay saddex Askari oo ka kala tirsanaa Ciidanka Millateriga dawladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda hoose ee Caasimadda Muqdisho.

Xukunkan dilka ah, ayaa ka dhacay Iskool-Bulusiyo, halkaasoo ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidammada xoogga, Booliiska iyo Mas’uuliyiin ka socday Maamulka gobolka Banaadir. Askartaas la toogtay ayaa waxaa hora loogu helay inay dilal geysteen, iyadoo laba ka mid ah Askartaas ay ka tirsanaayeen, halka mid kalena uu ka tirsanaa Ciidanka dowladda hoose ee Minishiibbiyada loo yaqaan.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidammada qalabka sida, ayaa sheegay in Askartaasi hore ay ugu xukumeen dil toogasho ah, ka dib markii lagu helay inay si kala gooni-gooni ah dilal u geysteen, sidaa awgeed iyagana shalay la loo qisaasay oo dil toogasho ah loogu fuliyey dilalkaa ay geysteen.

Goobta ay toogashadu ka dhacaysay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan si ay u daawadaan habka qiyaasta loo sameynayo, iyadoo aanay ahayn markii ugu horreysay ee Maxkamadda Ciidammada xoogga dalka ay toogasho ku fuliso Askar la sheegay inay dilal geysteen.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment