Wednesday, March 12, 2014

Brussels: Nin loo haysto inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo maanta go’aan laga gaadhayo Dacwaddiisa

Brussels, 12 March, 2014 (Himilo)- Nin Soomaali ah oo loo haysto dacwad la xidhiidha inuu ka tirsan yahay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, ayaa la filayaa in maanta kiiskiisa lagu soo gunaanado maxkamad ku taala magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Dhegaysiga Dacwadda dambiga loo haysto ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Kaafi, ayaa gunaanadka wejigeedii hore dorraad lagu dhegaystay maxkamadda dambiyada Adduunka ee ICC, waxaanu halkaas ka qirtay inuu ka xaadiray xeryaha tabobarrada lagu qaato ee Al-shabaab, balse aanu ka qayb-galin wax dagaal ah. Waxaana kulankaas lagu go’aamiyey in natiijo kama dambays ah lagu gaadhi doono kulanka maanta loo ballansan yahay.

"Waxaan tegay xeryaha Shabaab ee Soomaaliya, laakiin, kamaan qeybgelin dagaalada, cid kalena uma hogaamin,” ayuu Xasan Kaafi u sheegay maxkamada dembiyada Brussels.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 39 jir iyo lix iyo toban qof oo uu ku jiro oo loo haysto inay xidhiidh la leeyihiin Shabaab ayaa maxkamda la keenay, halka saddex kale weli lagu hayo dalka Kenya.

Nimankan ayaa bishii April 2011, uga socdaalay Molenbeek -Saint- Jean magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaasoo uga sii gudbeen wadamada Tansaaniya iyo Kenya ka hor inta aanay dhuumasho ku gelin dalkaasi Soomaaliya.

"Maleeshiyaadka Al- Shabab way na soo dhoweeyeen, laakiin cabsi bay lahayd," ayuu sheegay Xasan Kaafi, isaga oo intaas ku daray, “Waxay naga qaadeen baasabooradii, ka dibna na geeyeen guriga muhaajiriinta.

"Annigu wax badan ma joogin, waxaan u tegay inaan soo arko shareecada. Waxaan degdeg u xiiseeyey inaan soo laabto. Meel kulul ayey ahayd, cuntadu xumayd, mana doonayn inaan dagaalka galo,” ayuu ku dooday Xasan.

Kiiska raggan oo ay ku jiraan saddex haween ah iyo lix nin, ayaa lagu eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalada ka socda Soomaaliya iyo Suuriya sannadihii u dhexeeyey 2011 ilaa 2013, ayaa la filayaa in go’aanka eedahooda maanta maxkamada dembiyada Brussells soo saarto.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment