Berbera, 15 March, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa markii ugu horaysay intii uu Madaxweynaha noqday waxa uu dabaal u tagay Xeebta Batalaale ee magaalada Berbera, iyadoo ay weheliyeen Xubno Wasiiro ah iyo Madax kale oo Xukuumadda ka tirsan
Madaxweynuhu waxa uu shalay gelinkii dambe wakhti qaali ah oo aan hore u soo marin la qaatay dhalin-yarada Gobolka Saaxil gaar ahaan Ardayda Kulliyadda Badda ka dhigata Jaamacada Berbera, isaga oo madaxweynuhu fursaddaas ku tilmaamay mid uu ku dhiirrlinayo dhalinyarada isla markaana ay qayb ka tahay dedaalkiisa ka warhaynta Da’a yarta dalka.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha jewigii shalay ee xeebta Batalaale, waxa uu yidhi,

"Waan ku faraxsanahay in aan galabta (shalay gelinkii dambe) wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaan dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxaanan ku dhiiri-gelinayaa inta kale ee aan nasiibka u helin ay badda wax ka bartaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan, oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin."
Madaxweynuhu waxa uu wakhti dheer ku jiray badda isaga oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha .
Himilomedia.comHargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment