Waa maxay Jaamacadi?
Sida laga wada dheregsan yahay jaamacaddu waa mid ka mid ah Ilaha laga dheehan karo Horumarka Bulsho.
Jaamacadduhu waa halkay ka soo baxaan Hogaamiyeyaal tayo sare leh iyo Aqoon ku filan oo ay ku maamuli karaan xilka ay hayaan iyo hadba cida ay xil u hayaan.
Jaamacaduhu waa warshad am iL wax soo saar, taasoo soo saarta bulsho wax garad ah, Bulsho wax ka bedeli karta Meesha ay ku nooshahay iyo waliba adduunka oo dhan. Hadaynu intaa ku soo dhaafno su’aasha ah waa maxay jaamacadi oo laga yaabo in aynaan ku dhamaynay maqaal iyo saddexba qeexida ereyga jaamacad aan intaa ku dhaafno.
Haddaba dalkeena jamhuuriyadda Somaliland waxa sanadahan dambe amaba qarnigan 21aad aad u sii kobcaysay iyaddoo ay jaamacado badan oo tayo sare leh iyo waliba goobo ku fiican waxbarashaddaba laga helayo ay ka dhisan yihiin guud ahaanba dalka oo dhan taasoo aad wax uga bedeshay marxaladihii ay soo martay waxbarashadda Somaliland iyo waliba dhalinyaro badan oo wakhtigu u saamaxay inay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee ka jira dalka kuwaasoo aan hore u jiri jirin, isla markaana ka bedelay mustaqbalkooda waxbadan oo ka dhigay mustaqbalkooda mid aad u soo ifaya.
Iyadoo wasaaradda waxbarashadda Somaliland ay dedaal aad u fara badan ugu jirto sidii waxbarashada Somaliland ula talaabsan lahayd ta casriga ah ee ka jirta wadamada hore u maray, kuna hanweyn in Ilmo kastoo ku nool magaalo iyo miyi ba ay isku si wax u bartaaan oo ay ka sinaadaan dhinaca aqoonta, Aadida dugsiyadda iyo Aqoonta guudba.
Haddaynu dib ugu noqono waxbarashadii berigii hore ee laga soo noqday dagaaladii sokeeye may jirin berigaas wax jaamacaddo ah oo laga helayo kuwa sida casrigan u qalabaysan, sidoo kalena dhamaan goobihii wax lagu baran jiray ay isku wada mid ahaayeen haday tahay Dugsi sare, dugsi hoose iyo waliba malcaamadba; halka dadka qaar imika ay qabaan oo ay sheegayaan in waxbarashada berigii hore ay ka fiicnayd tan imika ee casriga ah marka loo eego dabiici ahaan iyo deegaan ahaanba, Isla wakhtigaasna ardayda loo diri jiray jamaacado dibadeed sida Midawgii soviet ka iyo Reer galbeedkaba ardayda somaliyeed oo u badnaa jaamacado Milateri.
Isla wakhtiyadaasna wax dalkii la isku odhan jirey somaliya ka jirey jaamacado aad caan uga ahaa geyiga somalida oo dhan ahaan kuwii ugu qaalisanaa ugu heerka sareeyey ee wax laga baran jirey oo ahaa Jaamacadda Afgooye iyo Lafoole; kuwaas oo ay ka soo baxeen madax badan oo dalkan Somaliland iyo somaliyaba xilal ka soo qabtay, Aqoonyahano aad u tiro badan, Abwaaniin aad caan u ah iyo wartebiyeyaal sidoo kale iyaguna caan ka ah dhulka somalida oo dhan.
Hadaynu intaa ku soo dhaafno waxbarashadii hore oo aan soo koobnay, jaamacaddaha wakhtigan dalka ka jiraa waa qaar aad u tayo sareeya isla markaana la jaanqaadaya guud ahaan kuwa ka jira caalamka sidoo kalena waxa jira iyaguna sida jaamacaddaha u qalabaysan oo laga helayo cilmiga casriga ah.
Haddaba waxa ka jira dhaliilo badan oo qarsoon ay sabab u tahay Tiknoolajiyadda casriga ahi, kuwaas oo ardayga jaamacadda dhigtaa marka uu macalinka u jeedinaya casharka uu u diro ardayga wax la xidhiidha casharka uu qaatay ama daraasad uu macalinku ku balaadhinayo ama ku tijaabinayo ardayga maskaxdiisa, taas oo laga yaabo inuu ardaygu maalin walba la kulmo iyadoo practical ah; Tusaale ahaan kaba soo qaad geed ku horyaala gurigooda, oo uu ka war hayo sida uu yahay maalin walba ama Gu iyo Jiilaalba ama tusaale kale oo ah Meertadda Nolosha Maalinlaha ah ee Qoyskiisa, Deegaankiisa amaba Naftiisa ayuu macalinku uga diray Shaqo guri ahaan (Assignment).
Ardaygu isagoo maalin walba u arka si la taaban karro waxa uu macalinku u diray oo ah waxa uu arko Maalin kasta oo dhasha iyo Gabal kastoo dhacaba; Ma inuu isku haleeyo Jawaabta Google siinayo isagoo maskaxiyan uga jawaabi kara amaba ka dab qaadanaya inuu qeexo sida uu geedkan uu arkayaa u muuqdo ama u dhigan yahay, markaa ma ardaynimaa inuu yidhaahdo Google kaan waydiin doonaa ama ku xisaabtamo. Taasina ka markhaati kacayso sida tayadda ardaynimo ee dalkeenu aanay wanaagsanayn ama ay u liidato taasoo ay sabab u tahay in macalinka ardayga assignmenka u diray aanu qiimaynayn inuu ardaygani maskaxiyan kaga soo jawaabay iyo in Google ka soo jawaabay, dhanka kalena waxa iyana meesha laga sii saarayaa Aqoontii dabiiciga ahayd ee ardaygu Naftiisa wax ku barayey iskuguna kalsoonaa inuu Beri Bulshadiisa iyo dalkiisaba wax kaga bedeli karo.
Guntii iyo gebegabadii akhriste waxaan kula talin lahaa Ardayda Jamhuuriyadda Somaliland inay ka digtoonaadaan inay Ku Tiirsanne u noqdaan Maskax dadkale oo ay Maskaxdooda Maalaan, Tuujiyaan, Fikiraan oo ay ka kaaftoomaan inay yidhaahdaan Google-kaan weydiin doonaa.
Macalimiintana waxaan kula talinayaa inay ardayga markay cilmi baadhis u diraan inay xaqiijiyaan inuu ardaygu maskaxiyan kaga jawaabay iyo inuu maskax dadkale tahay oo ay tixraacaan.
Aniggu Qalinka umaan qaadan inaan wax dhaliilo cidna eeda saaro, kaliya inaan waxtusaalayno, wax tilmaano, waxna toosino.
Mahadsanid Akhriste
E-mail: Editordirismj@gmail.com
Idiris MJama DiLawi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment