Thursday, March 13, 2014

Guddida baadhista iyo daba galka xasuuqii ka dhacay Somaliland oo u mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatey Baadhista Xabaal Wadareedyada

Hargeysa (Himilo):-Guddida baadhista iyo daba galka xasuuqii ka dhacay dalka Somaliland sanadihii sideetamaadkii ee dadweynaha reer Somaliland ay u gaysatay dawladdii Siyaad Bare ayaa mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay baadhitaanka xabaal wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkii la xasuuqay.
Guddidan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa waxay u mahad celiyeen madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkiisa cadaalada oo ay sheegeen inay si buuxda gacan uga siiyey sidii loo baadhi lahaa xabaal wadareedyada.

Gudoomiyaha guddida baadhista iyo daba galka xasuuqii ka dhacay Somaliland Khadar Axmed Like oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa waxa uu sheegay inay baadhis balaadhan ku samayn doonaan guud ahaanba xabaal-wadareedyada ku kala yaala gobolada dalka Somaliland isaga oo tilmaamay in dhawaan si rasmi ah ay uga bilaabeen baadhitaanka xabaal-wadareedyada magaalada hargeysa, isla markaana ay baadheen 3 xabaal-wadareed oo ku yaala xaafada badhka ee koonfurta hargeysa, oo ay ka soo saareen hadhaaga maydadka 44marxuum.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay  inay dhawaan u  gudbi doonaan baadhitaanka xabaal-wadareedyada ku yaala gobolada kale ee dalka.

Xasu 2Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay xubno ka mid guddida baadhista iyo daba galka xasuuqiii ka dhacay Somaliland iyagoo  u mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay baadhitaanka xabaal-wadareedyada iyo waliba aaskii qaran ee dib loogu aasayey hadhaaga maydadka 44-kii marxuum ee laga soo saaray saddex xabaal wadareed oo ku yaala magaalada hargeysa.

Halkan ka daawo baadhitaan lagu sameeyay saddex xabaal wadareed oo ku yaala hargeysa oo laga soo saaray hadhaaga maydadka 44marxuumGuddidan oo kaashanaysa khubaro caalami ah oo xaruntoodu tahay dalka Peru oo la yidhaa EPAF  ayaa dhawaan baadhis qoto dheer ku samaysay 3xabaal-wadareed oo ku yaala koonfurta magaalada hargeysa, gaar ahaan xaafada badhka, waxaanay ka soo saareen hadhaaga maydadka 44marxuum oo ka mid ahaa dadweynihii sida naxariis darada ahaa uu u xasuuqay taliskii milatariga ahaa ee siyaad barre, sidaasi awgeed ayaa guddida baadhista xasuuqu aas qaran u sameeyeen hadhaaga maydadkani, waxaana dib loogu aasay xabaalo cusub oo ku yaala deegaanka masalaha.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment