Thursday, March 13, 2014

Askari ka tirsan Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo fashiliyey Sir Culus iyo Taliskooda Guud oo ka Gubtay

Muqdisho, 13 March, 2014 (Himilo)- Taliska Ciidammada Midawga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya, ayaa ka gubtay Sir culus oo uu fashiliyey Askari ka tirsan AMISOM, taasoo uu ku sheegay inaanay Ciidammada AMISOM doonaynin ina la baabbiyo oo laga guulaysto Xarakada Al-Shabaab ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda iyo Xulufadeeda Afrika uga yimi.

Askari ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi oo dib ugu laabtay magaalada Bujumbura ee xarunta dalkaas, ayaa sheegay inaanay doonayn in Al-shabaab la burburiyo, isagoo sabab uga dhigay inay taasi soo afjarayso howlgalka ay u joogaan Soomaaliya oo ay dhaqaale badan ku helaan.

Weriye ka tirsan Wargeyska Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa Askarigan kula kulmay magaalada Bujumbura xilli uu halkaas howlo shaqo u joogay, isagoo xusay inuu aad ula yaabay sida Askarta Burundi ee kasoo shaqeeyay Soomaaliya ay u doonayaan inay mar kale dib ugu laabtaan Soomaaliya.

“Ma doonayaan Ciidammada AMISOM inay baabi’iyaan ama ka taqalusaan Al-shabaab, waayo? Taasi uguma jirto wax faa’iido ah, joogistooda waxay ku helayaan lacag aad u badan, muhiim ayuuna noo yahay jiritaankoodu (Al-Shabaab).” Sidaa ayuu yidhi Askariga waraysigan bixiyey oo magaciisa la qariyay. Askarigu wuxuu intaas ku daray inay mushaar ahaan uu u qaato 1200 oo Doolllarka Maraykanka ah Askarigiiba, isla markaana uu helo 500 oo Doollar oo dheeraad ah, taasoo uu ka qaato 10 Askari oo ka kala tirsan Soomaaliya iyo Burundi.

Weriyaha la klumay Askarigan, ayaa sheegay inuu lacagtii uu Soomaaliya kasoo helay uu ku dhisanayo guri cusub, isla markaana uu Illaahay ka baryayo in dhibaatada Soomaaliya aanay dhammaan inta uu dhismaha gurigiisa uga ka dhammeystiranayo mushaharka uu ku helo joogitaanka Soomaaliya. “Ma doonayo in Al-shabaab la jabiyo. Waayo, waxaan doonaynaa in howlgalku uu sii socdo si aan dhaqaale u helo.” ayuu Askariga hadalkiisa ku daray.

Hase-yeeshee, Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad, ayaa sheegay in hadalka kasoo yeedhay Askarigaas ay si aad ah uga xumaadeen, isagoo sheegay in qorshaha AMISOM ay u joogto Soomaaliya uu yahay sidii dalkaas loo nabadeyn lahaa, loona burburin lahaa Al-shabaab. “Runtii hadalka kasoo yeedhay ninkaas sheegtay inuu ka tirsanaa Ciidamada AMISOM aad ayaan uga xumaannay, qorshahayaguna waa inaan nabadeyno Soomaaliya, sida uu hadalka u yidhi Askarigaasna waa mid aan jirin, aniguna maba filayo inuu Askarta AMISOM ka mid ahaa, waxaan filayaa inuu yahay ruux iska sheeganaya.” ayuu si kulul u yidhi Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo u warramayay VOA-da isagoo Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in marka Askariga ka tirsan AMISOM Soomaaliya la keenayo lasoo siiyo tabobbarro, loona sheego qorshaha howlgalka AMISOM sida uu yahay. Isagoo hoosta ka xarriiqay in qorshahoodu aanu ahayn sida uu Askarigaasi u sheegay, waxaanu Afhayeenka AMISOM oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Howlgalka AMISOM wuxuu ku dhisan yahay in dalka la nabadeeyo, waana middaas ta aannu halkan (Soomaaliya) u joogno, isla markaana aannu doonayno inaannu fulinno.”

Afhayeenka AMISOM oo wax laga weydiiyay qorshahooda goobaha ay ka saareen Al-shabaab isagoo sheegay in qorshahoodu uu yahay inay goobahaas oo dhan ay nabad ka hir-gelinayaan, goobaha kale ee ay ku socdaanna ay gaadhi doonaan.

Mar la weydiiyay in shacabka ku nool deegaannada ay ka saaraan Al-shabaab ay intooda badan sheegaan inay nabad haysteen markii hore, balse marka ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya galaan deegaannada ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada iyo qaraxyada lala beegsanayo, waxaanu ku jawabay; “Anigu ma filayo in nabadda aan wadno mid ka wanaagsan ay jirto, balse haddii ay dhacdo in dhibaato loo geysto waan ka xunnahay, waxaanan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in nabaddu ay gacmahdooda ku jirto.”

Su'aal kale oo ahayd in Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM ay Soomaalidu ka qabto xasaasiyad, ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka mid yihiin AMISOM oo dhibaatadii ay geystaan lagula xisaabtami doono. Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay in howlgallada socdaa ay yihiin kuwo ay dowladda Soomaaliya horumuud ka tahay, iyaguna ay gacan ku siinayaan, howshooduna ay tahay inay dalka oo dhan nabadeeyaan.

Hase ahaatee, Askarigan ayaa noqnoaya kii ugu horreeyey ee Ciidammada Midawga Afrika Soomaaliya ka jooga ka tirsan ee fashiliya sirta iyo ujeeddada rasmiga ah ee ay Ciidammadaasi leeyihiin, waxaana  marka hadalkiisa la qiimooyo uu noqonayaa ama aad ugu egyahay mid xaqiiqada ku fadhiya, sababta oo ah marnaba ma jirto magaalo Al-Shabaab ay Ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ka saaraan oo ammaankeeda si dhammaystiran loo sugay weli xataa Caasimadda Muqdishana ku dhahoo.

Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan illaa labaatan kun oo Askari oo ka socda dalalka Midawga Afrika ee Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Sierra Leone. Hase-yeeshee, muddo dhawr sano ah oo ay ku sugan yihiin Soomaaliya weli si rasmi ah ugamay guulaysan Al-Shabaab, isla markaana ma jirto magaalo keliya oo ay Al-Shabaab ka saareen oo ay nabadgelyadeeda si buuxda u sugeen Ciidammada Midawga Afrika.

Ciidammada qaybta ka ah AMISOM ee dalka Burundi ka socda, ayaa 76 Askari lagaga dilay dagaal qadhaadh oo Muqdisho lagula galay Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay Al-shabaab gacanta ku hayso Askari ka tirsan Ciidamada Burundi ee AMISOM oo ay dhaawac ahaan ku qabsadeen saddex sano ka hor.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment