Khadra Daahir Cige waxa ay ka hadashay aragtideeda la xidhiidha horumar ay ku bogaadisay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaantay inay muujisay wax-qabad la taaban karo muddada saddexda sanno iyo dheeraadka ay talada dalka hayeen.
Khadra Daahir Cige waxa ay Sheegtay inay ku diirsatay waxqabadka iyo dedaalka Madaxweynaha Somaliland u tafo-xaytay, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa; “Waxaan jeclaystay inaan Bogaadiyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xukuumaddiisu dalka horumarkiisa si weyn uga shaqaysay saddexdii sanadood ee uu xilka hayay. Waxaan xusi karaa oo waxqabadkaasi ka mid ah horumarinta waddooyinka, balaadhinta iyo horumarinta wasaaradaha dalka oo intooda badani ay saddexdaas sano dhisteen dhismeyaal waaweyn oo dabaqyo ah, kuwo kalena ay xarumahoodii hagaajisteen oo dayac-tir balaadhan ku sameeyeen,”sidaas ayay tidhi Khadra Daahir oo xalay u warramaysa gudgudenews.com.
“Imika Madaxweynuhu waxa uu soo maray socdaal dheer oo uu ku soo maray goboladda Awdal, Salal iyo Illaa Saaxil, isagoo magaalo kasta oo uu tagayna furay mashaariic horumarineed, qaarna dhagax dhigay mashaariic, waxa ka mid ah waddooyin, dekadda Lughaya. Waxaan TV-yadda ka daawanayay in dadweynuhu ay raali ka yihiin Madaxweynahooda,”ayay tidhi Fanaanadda Khadra Daahir Cige.
Khadra Daahir waxay Socdaalka madaxweynaha ee goboladda ku tilmaantay mid wax ku ool ah, waxaanay tidhi “Socdaalka Madaxweynaha ee goboladda dalka oo dhan uu ku marayaa waa mid faa’iido leh oo ka turjumaysa inuu madaxweynuhu indhihiisa ku arko oo uu ka bogto baahiyaha kala duwan ee magaalooyinka dalka iyo wixii u qabsoomay labadaba.”

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment