Thursday, March 13, 2014

Fadeexad ka dhalatay Xatooyo CIA-du kula kacday Aqalka Odeyaasha Maraykanka

Washington, 13 March, 2014 (Himilo)- Madaxa guddiga golaha Odayaasha (Senate) u qaabilsan arrimaha Sirdoonka, ayaa dhaleecaysay talaabo hay’ada sirdoonka Maraykanka ee CIA si qarsoodi ah ugu weerartay Kombuutarada guddiga Baarlamaanka kagana tirtireen qoraalo xasaasi ah iyo baadhitaan ay wadeen gudigaasi.

Guddiga Sirdoonka u qaabilsan Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa ku gudo-jiray baadhitaanno natiijooyin uga soo baxeen oo ay ku sameeyeen hay’adda Sirdoonka ee dalkaas, ka dib markii lagu eedeeyey inay basaaseen shakhsiyaad iyo siyaasiyiin ka tirsan Midowga Yurub.

Dianne Feinstein oo ah madaxa Guddiga Senateka u qaabilsan Sirdoonka oo ah guddiga la xisaabtama hay’adaha sirdoonka, ayaa sheegtay in warbixino xasaasi ah oo muujinayey khaladaadka CIA-da laga tir-tiray Kombuutarada yaalay xarunta Baarlamaanka oo ay ku shaqeenayeen guddiga baadhitaanka waday.

Warbixinaha la tirtiray ayaa la sheegay inay sidoo kale kamid ahaayeen xogo la xadhiidha jidh-dilka ay sirdoonka Maraykanka CIA u geystaan dadka ay qabtaan, in sirdoonka Maraykanka ku fashilmay inuu xog fiican ka helo maxaabiista ku xidhan Guwantanamo Bay oo la jir-dilo iyo in CIA-da ay xog been ah u gudbiyaan Golayaasha Baarlamaanka.

“…Arrintan ay ku kacday hay’adda Sirdoonka waxay si dhab ah u burburineysaa sharcigii kala saarayey awoodaha dowlada sida ku xusan Dastuurka Maraykanka,” ayey tidhi Dianne Feinstein oo sheegtay in sirdoonka uu faraha lasoo galay awoodii Baarlamaanka iyo sharci-dajinta Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa laga codsaday inuu fasaxo qaar kamid ah qoraalada sirta ah ee hay’ada Sirdoonka si loo ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay danbiyada lagu heysto hay’adda sirdoonka. Balse Aqalka Cad ayaan weli arrintan jawaab ka bixin iyadoo la filayo in Obama uu ka gaabsan doono xiligan inuu fasaxo qoraaladaasi, maadaama laga yaabo in arrintaasi xafiiskiisa wax u dhinto.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment