New York, 13 March, 2014 (Himilo)- Dawladda Ingiriiska, ayaa la sheegay inay qorsheynayso sidii ay waddamo ku yaala qaaradda Afrika uga hawl-galin lahayd diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaanno, kuwaas oo qayb ka ah hawl-galka la-dagaalanka kooxaha xag-jirka ah.
Ben Emmerson oo Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta duqeymaha diyaaradaha Drone geystaan, ayaa iftiimiyey in dalka Ingiriisku u wareejin doono wadammo jabuuti ku jirto diyaaradihiisa Drone ee jooga Afgaanistaan.
Mr. Emmerson oo soo bandhigay warbixin laga diyaariyey waxyeelada duqeymaha diyaaradaha Drones u geystaan rayidka ayaa sheegay in dalka Ingiriisku u wareejin doono diyaaradihiisa wakhtigan jooga Afgaanistaan wadammo ay ka mid yihiin Nayjeeriya ama Jabuuti, sida wargeyska Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriisku qoray.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in guddiga xuquuqal-insaanku baadhitaano ku sameeyey dilal diyaaradaha Drones geyteen oo ka dhacay dalalka Pakistan, Afgaanistaan, Yemen, Gaza iyo Soomaaliya, inkastoo tirade weerarada diyaaradahaasi ee Pakistan hoos u dhaceen, dhinaca kale ay kordheen wadamada Afgaanistan iyo Yemen.
Doodaha ka soo horjeeda isticmaalka diyaaradaha Drones ayaa sheegaya maadama diyaaradahaasi ay maamulaan dad jooga goobo boqolaal mile ka durugsan goobaha weerarka, fursaduhu badan yihiin inay ku dhintaan argagaxisada, shicib aan waxba galabsan, kuna jiraan dumar iyo carruur.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment