Hargeysa, 13 March, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xalay shaaca ka qaadday in Allaah ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa ee Marxuuma Maxamed Saleebaan Tubeec Meydkiisa laga soo qaadi doono waddanka Jarmalka oo uu Salaasadii dorraad ku geeriyooday, isla markaana si heer Qaran ah loogu aasi doono magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu Marxuumku ku dardaarmay in lagu aaso.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xalay ay kulan ku wada-yeesheen Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka ay isku qoyska ahaayeen, ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Khamiista maanta si rasmi ah uu ugu dhawaaqi doono Guddi heer Qaran ah oo qaban-qaabisa soo qaaditaanka Meydka Marxuumka iyo aas Qaran oo uu sheegay in loogu samayn doono magaalada Berbera.
Waxa uu ugu horreyn Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Tacsida Marxuumka dirayaa uu yidhi; “Marka hore waxaannu tacsi u diraynaa qoyska, ehelka, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Af Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaan dadka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, Illaahay Marxuumka waxaannu uga beryeynaa inuu u dambi dhaafo, Naxariistiisa Janno-na uu ka waraabiyo.”
“Caawa (xalay) waxaynu halkan u joognaa inaynu ku dhawaaqno Xukuumad ahaan in Meydka Marxuumka Xukuumaddu go’aansatay in lagu aaso magaalada uu ku dhashay ee Berbera, iyadoo la raacayo marka dhalashada uu ku dhashay laga tago dardaarankiisii oo uu ku dardaarmay inuu magaaladii uu ku dhashay lagu aaso, ka dibna ay go’aansadeen qoyska iyo ehelada Marxuum Maxamed Saleebaan oo ay halkan nala fadhiyaan Xaaskiisii Qadiija Ismaaciil, Carruurtiisii iyo Carruurtuu Awawga u ahaa, Salaaddiintii, Boqorradii, Wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii beesha, markii aannu intaas oo dhan qiimaynay dardaarankiisii iyo go’aanka qoyska, ehelka iyo qaraabadu ay gaadheen Xukuumadduna way la waafaqday.”
“Sidaa daraaddeed, waxaannu ku dhawaaqaynaa in Xukuumadduna ay go’aansatay in Meydka Marxuumka Somaliland la keeno, dalkiisana lagu aaso, Madaxweyne Ku-xigeenkuna maaddaama oo Madaxweynuhu Safar ku maqan yahay Berrito (Maanta) uu soo saari doono Guddi heer Qaran ah oo isugu jira Xubno Golaha Wasiirrada ah, qoyska, ehelka, qaraabada, Abwaannada reer Somaliland, Maamulka magaalada uu ku dardaarmay ee Berbera iyo gobolka Saaxil, Guddigaas ayaana Berri (maanta) laga bilaabo la wareegi doonto diyaar-garaynta iyo qaban-qaabada Aaska Marxuumka. Annagana Wasaarad Warfaafin iyo Dhaqan ahaan sharaf bay noo tahay inaannu ku dhawaaqno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
La-taliyaha arrimaha Beelaha la hayb-sooco ee Madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xasan, Xaaska uu Marxuumku ka geeriyooday Marwo Qadiija Ismaaciil Sheekh Cabdiraxmaan, Xaaska Inankiisa ugu weyn Marxuumka Sahra Gabadh uu Soddog u ahaa Maxamed Saleebaan Sahra Muxumed Maxamed, oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay qoys ahaan go’aansadeen in Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec
Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Odayaasha Qoyska Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo iyaguna kulankaa ka hadlay, ayaa tacsi ka dib, u mahad-celiyey Xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inay kafaalo-qaadatay qarashka ku baxaya soo qaadista Meydka Marxuumka, isla markaana ay ballan-qaadday in si heer Qaran ah loogu aasi doono magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu Marxuumku dardaarmay in lagu aaso.
Xukuumadda Soomaaliya, ayaa iyadu shalay-ba sheegtay inay Aas Qaran Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec ugu samaynayso magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, oo intaa ku dartay inay diyaarad waddanka Jarmalka kaga soo qaadi doonto Meydkiisa, halkaasoo uu Salaasadii dorraad ku geeriyooday.
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble oo shalay kulan la qaatay Fannaaniinta hobollada Waabberi, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec loogu aasi lahaa Muqdisho.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa daboolka ka qaaday in Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyneyso geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Suleymaan Daahir, waxaana uu intaa ku daray in la wado qorshe ah sidii dalka loogu aasi lahaa, isagoo tilmaamay in xukuumaddu ay guddi u saari doonto aaska Marxuumka si ay xiriiro kala duwan ula sameeyaan ehelada Marxuumka geeriyooday.
Hase-yeeshee, waxa taa meesha ka saaray go’aanka Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Xukuumadda Somaliland ay isla qaateen, isla markaana isku raaceen in Marxuumka lagu aaso magaalada uu ku dardaarmay ee Berbere oo uu Tuulada Laalays oo ku taallada duleedka magaalada Berbera ku dhashay 1941-kii, isla markaana qoyskoodu badi deegaan ku yihiin isla Berbera.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment