Friday, March 14, 2014

Madaxweyne Silaanyo oo ku dabaashay xeebta batalaale ee magaalada berbera




Berbera, (Himilo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeebta batalaale maanta galinkii danbe kula dabaashay ardayda wax ka barata kuliyada culuumta badda ee magaalada berbera.


 


dabaal 3Madaxweyne Silaanyo oo ka hadlay dhiiri galinta dhalinyarada ayaa waxa uu yidhi:- “waan ku faraxsanahay inaan galabta wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaan dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxaanan ku dhiirigelinayaa inta kale een nasiibka u helin inay badda wax ka bartaan inay ku dhiiradaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin.


dabaal 2Madaxweynuhu waxa uu wakhti dheer ku jiray badda isaga oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo taliyeyaasha Ciidamada iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment