Friday, March 14, 2014

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 6aad Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha-W/Q Boobe Yuusuf Ducaale

Qormada: 2aad

Golaha Guurtida tan iyo 1993kii laba jeer ayaa la soo magacaabay. Hadda 21 sannadood ayay baarka ka jareen, welina isuma haystaan in ay wax dhimeen. Gabow, geeri iyo geeddi-dibadeedna waa laayay oo qofku inta uu doono ayuu iska maqnaadaa.

Golihii Wakiilladu sidii loo doortay 2005kii ayay u joogaan, mana hadal hayaan in ay kuraasida banneeyaan ama sifo sharciya ku soo noqdaan. Xilalkiiba meherad ayay noqdeen. Iyagu cid walba waa ay ka dareen oo waxay sharciyaysteen maalinta xilka ay ka degaan in ay sannadka ka dambeeya oo dhan mushaharkoodii qaataan iyaga oo aan xil hayn. Iyaga oo intaas oo sannadood muddo-dhaaf inagu ahaa. Kaaga daran e’, maxaa inaga xumaan lahaa haddii aynu garanayno maalinta ay inaga tegayaan. Weynu sii ambo-bixin lahaynba gacan-qaad wanaagsanna waan u sii dhiibi lahayn. Miyay inagu simeenba sow tan hungurigii Halac-dheere lagu sheegayay qaaday.Waa soo ligan yihiin oo noloshiiba waa ay ka baqayaan iyaga oo ka cabsi qaba in ay busaarad u dhintaan haddii ay xilkan booliga ah dhigaan.

Mararka ay shaashahada soo fadhiistaan intooda aan xishoodka iyo gabbashada aqooni waxay ku doodaan oo ay ku andocoodaan in Dastuurku qorayo: Galahan Wakiillada waxa beddeli kara Gole la soo doorrtay. Dastuurka waa ay ka been-sheegayaan ee bal aan daalacanno Qodobka 2aad ee muddo-xileedkooda ka hadlaya. Waa laba Faqradood oo kala ah:

Faqradda 1aad:

Muddada xilka Golaha Wakiilladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go’aamada doorashada,

Muddo-xileedka Dastuuriga ahi waa taas. Macnaheedu waxa weeye in marka ay shanta sannadood dhammaato la qabanqaabiyo doorooshinkii kale. Ma suurto-gal baa in ay dib u dhacaan? Dastuurku muxuu ka odhanayaa? Bal aan eegno Faqradda saddexaad ee Dastuurka:

Faqradda 3aad:

Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasillooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Waa sida dastuuriga ah ee dib loogu dhigi karo doorashada Golaha Wakiillada. Weli miyaad maqasheen dhibaato intaa le’eg oo inagu habsatay oo sababtay in doorashooyinkii Golaha Wakiilladu dib u dhacaan? Waxaynu ka ducaysanno ayay ku ducaystaan si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Muddo-kordhinta Madaxweynahana waxa loo cuskadaa Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad oo ah “Duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed.”

Bal horto sidaa ku ogaada waxan ina barriinsaday in aanay sharciyad iyo caqliyad midna ku fadhiyin ee ay tahay waxay iska jeclaysteen iyaga oo had iyo jeer laabta ku haya in aafooyinkaasi dhacaan si aanay doorashooyin u qabsoon. Bal, Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa ina jecel oo aan labada dhibaato iskugu keen darin.

Muddo-xileedkoodii dastuuriga ahayd waa ay ku diyaarin kari waayeen doorasho. Dibudhigistii waxay u cuskadeen qodobbo aan jirin oo aan dastuuri ahayn. Sidaas ayay doonayaan in ay ku sii fadhiyaan iyaga oo aan sharci ahayn oo dastuur iyo shacbigii soo doortay midnaba ixtiraamayn.

Waxani, wax la eegto ka weyn. Ceeb iyo fadeexad ayaynu adduunyadii iyo dalalkii deriska ahaaba uga baxnay. Ummaddii karaamo la og yahay lahayd ee wax la og yahay ka soo dabbaalatay, ayaa maanta doorashooyinkii dastuuri ahaa qabsan kari la’. Bal ka warrama dee? Miyaad geydaan waxan dhacaya ee aydaan galabsan.

Dastuurka haddii lagu dhaqmi waayo, dhaartii haddii la rumayn waayo, ummadda haddii laga xishoon waayo, qarannimada haddii la dhowri waayo, kuraasi lagu fadhiyayaa ma jirto. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Inta la isu yimaaddoo ha la sameeyo Xukuumad ku-meel-gaadh oo muddadeedu kooban tahay oo dalkan iyo dadkan doorashooyin hal mar u qabanqaabisa.

Doorashada Juun, 2015ka ma la qaban karaa?

Ilaaha taajirka ah ee ay had jeer tiisa noqoto waxba kuma aha. Waxaynu ka hadlaynaa waa tabaabushaha iyo tooggada aadamaha, gaar ahaan inteenna maanta joogta ee ay xilalkaasi saran yihiin. Haddaba innaga oo aan meel dher uga soo wareegayn bal marka hore aan guud-mar kooban ku samaynno ilaa immika waxyaabaha qabsoomay ee doorashadaa la wada sugayo la xidhiidha.

Waxa diyaar ah Xeerkii Diiwaan-gelinta ee ku-suntanaa 37aad oo mar horena la adeegsaday. Xeerkan 37aad wuxu u baahan yahay in dib loo eego, gaar ahaan qodobbada la xidhiidha dadka Diiwaan-gelinta ku gabbood-fala tallaabooyinka sharciyeed ee laga qaadayo. Waa hawl kooban oo Golaha wakiilladu waqti yar oo aan sidaa u sii badnayn kaga soo bixi karayo.

Waxa inoo diyaar ah waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee aynu ka kasbannay alahay, Goob-joogayaashii ajnabiga ahaa war-bixin tifaf-tiran oo qoraal ah ayay ka soo bixiyeen Diiwaan-gelintaa hore. Waxa kale oo aynu aad iyo aad uga wada dheregsan nahay wixii aynu gef samaynay dal ahaan iyo dad ahaanba oo ay tahay in aynu maanta ka fogaanno. Addunyadu mar walba innaga caawin meyso Diiwaan-gelin aynu innagu mar kasta carqaladaynayno.

Waxay saddexda Xisbi-qaran iyo Komishanka Dooraashooyinku qoraal ku kala saxeexdeen in ay doorashooyinku waqtigooda ku qabsoomaan. Heshiiskaa taariikhiga ah xukuumadda Somalilandna waa ay ku raacday oo oggolaatay.

(La soco………………………..)

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment