Dareenkii shalay ee Reer Lughaya iyo Dhagax-dhiggii Dekedda Cusub
Berbera, 13 March, 2014Madaxweynaha Somaliland xalay fiidnimadii ku hoyday Magaalo-xeebeedka Berbera, ka dib markii uu gelinkii dambe ee isla marka ka baqoolay degmada Lughaya ee Xeebta Galbeedka oo uu dhagax dhigay Deked cusub oo laga dhisayo.
Weftiga Madaxweynaha ayaa maray Waddada Xeebta marta ee isku xidha Galbeedka iyo Bariga, halkaas oo uu uga bilaabmay safar dheer oo uu ku tegayo gobollada Barri ee dalka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dadweynaha reer Lughaya iyo Bulshada Gobolka Awdal ku bogaadiyay dhismaha Dekedda Lughaya oo uu dhagax dhigay, taasoo dhismaheeda ay ku hawlan yihiin qurbejoogta gobolka Awdal iyo ururrada bulshada ee deegaankaas.
Dekedda Lughaya ayaa waxa dhisaya Urur Bulsho oo magaciisa la yidhaahdo ARDAA, kaasoo qaadhaanka lagu bilaabayo ka helay dad ka soo jeedda Gobolka oo ay qurbo-joogu ka mid yihiin.
Xukuumadda Somaliland ayaan wax door ah ku lahayn dhismaha Dekeddan, waxaase madaxweyne Siilaanyo uu ballan qaaday shalay markii uu dhagax-dhigayey dekeddaas inay qayb laxaad leh ka qaadanayso xukuumaddu hirgelinteeda.
Md Axmed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey goobta uu ku dhagax-dhigay dekedda, ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inay bogga taariikhda ugu qoronto dhismaha dekedda Lughaya.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminaayey, ayaa markii dambe ka dheelmaday magaalada Lughaya Abbaaro 2:40 PM duhurnimo, ka dib qado-sharaf loogu sameeyey magaalada Lughaya.
Madaxweynaha iyo weftigiisu oo ku safray xeebta Galbeed ee dalka, ayaa sii maray Tuulooyinka iyo Degmooyinka ay ka mid yihiin Cabdi Geedi, Ceel Sheekh, Bula-xaar, Geeri iyo Adhi-cadays, waxaanu xalay fiidnimadii ku hoyday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa lagu dejiyey guriga martida ee magaalada Berbera, halkaas oo la filayo inay uga sii gudbaan gobollada kale ee dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment