London 15 March, 2014 (Himilo)- Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov, ayaa ku guuldaraystay inay natiijo ka gaadhaan wada-xaajood ay shalay ka yeesheen deminta xiisadda ka taagan dalka Ukraine.
Wada-xaajood socday lix saacadood oo labadan masuul yeesheen ayuu ku sheegay Mr. Kerry in Madaxweynaha Ruushku Vladimir Putin aanu gaadhi doonin go’aan ku saabsan Ukraine ilaa aftida goosashada/madax-bannaanida laga qaadayo gobolka Crimea maalinta Axadda ah ay dhamaato.

Waxa uu sheegay in Ruushku waajahi doono caqabado haddii uu xad-gudub ku sameeyo madaxbanaanida Ukraine, isla markaana sii wado taageeradiisa gobolka Crimea ee dalka Ukraine oo shacabka ku nool badankoodu yihiin Ruush.
Wasiirka Khaarajiga Ruushku Lavrov ayaa shir-jaraa’id oo uu gooni u qabtay ku sheegay inaanay Ruushka iyo Maraykanku isku aragti ka lahayn khilaafka Ukraine, laakiin wadaxaajoodku uu ahaa dariiq ku habboonaa in la qaado.
Wadaxaajoodka Kerry iyo Lavrov ayaa noqonaya kii labaad, ka dib kulankoodii usbuucii hore ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka Jay Carner ayaa ku goodiday in dalkiisu si degdeg uga jawaabi doono haddii Maalinta Axadda ah aftida laga qabto gobolka Crimea.
"Ruushku waxa uu ku xadgudbay ballanqaadkiisi, waxa uu ku xadgudbay xeerarkii caalamka," ayuu Carney sheegay.
Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in hogaamiyeyaasha Ruushku qaadan waayaan talaabo lagu demiyo xiisada Ukraine ama kaga soo horjeestaan qaadista aftida gobolka Crimea kaga go’ayo Ukraine inteeda kale.
“Ruushku wuu xushmayn doonaa go’aanka aftida shacabka Crimea ee Axada,” ayuu sheegay wasiirka Khaarajiga Ruushku Lavrov, oo gaashaanka ku dhuftay fikrad Midowga Yurub iyo Maraykanku ugu soo jeediyeen in xal nabadeed la raadiyo.
“Waxa jira meelo badan oo dadku casharo khaldan ka qaadan doonaan arrinkan," ayuu yidhi. "Waxaan filayaa in dad badan werwer ka qabaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment