Saturday, May 17, 2014

Cali Khaliif Oo Faro Ciddiyahood Kaga Baxsaday Ciidanka qaranka Oo Aagga Saax-dheer Ku Rasaaseeyey

Saax-dheer:May,17,2014 (Himilo)-Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Jiidda Saax-dheer oo Dhinaca Koonfur/Galbeed Qaddar 100MK Ku dhaw kaga Beegan Magaalada Laasnaanood, ayaa inyar u jirsaday inay Gacanta ku dhigaan Xildhibaan Cali  khaliif Galaydh oo Faqalalo ka wada Deegaano ka tirsan Bariga Somaliland.

cali calaydhCiidanka qaranka oo Dagaal Daqiiqado kooban socday la galay Dablay uu Watay Cali Khaliif Galaydh ayaa isku dayey inay Xildhibaanka Gaanta ku dhigaan, balse waxa uu ku Fakaday Tiro ka mid ah gaadiid uu watay oo Goobtaas si dirqi ah ugala baxsaday.

Sida uu Afhayeen u hadlay Ciidanka qaranka Somaliland BBC-da  la Hadlay, waxa ay Ciidanku  Doonayeen  in  Gacanta ku dhigaan XildhibaanCali Khaliif Galeyr oo tuulada Saaxdheer oo 90-km u jirta Laasacaanood  Ka Waday fidmo iyo Nabadgelyo Darro aan qarsoonayn.

Waxa uu afhayeenka Ciidanka qaranka Somaliland u Hadlay sheegay oo kale in uu ka baxsaday markii baabuur uu la socday ay raacdeesteen balse aaney soo qaban oo uu Galay Goobo Durugsan isagoo lan-la-aari ah.

Ilaa iyo imika cali khalliif wax war ah lagama hayo, waxase la hubaa kaliya inuu naftiisa kala baxsaday Deegamada uu Gardarrada ku soo doontay eek a tirsan Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa weli ku sugan tuulada Saax-dheer ee u dhow Laasacaanood mana cadda qorshaha xigga ee ay damacsan yihiin maadama uu si dirqa ah uga baxsaday Cali Khaliif Galeyr.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment