Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sidaa shaaca ka qaaday, isagoo sidoo kale sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka Somaliland haysataa ay tahay qabiilka iyo qaadka innaga oo qaadannay nidaamka dimuquraadiyadda.Waxa uu Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu sidaa ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Hirad oo xarunteedu Hargeysa tahay, waxa uu kaga warramay imashada Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya, cabbudhinta ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku haysa Saxaafadda madaxa-bannaan iyo waxa sabab u ah, hirgelinta dimuquraaddiyadda, horumarka kala duwan ee ay Xukuumadda uu ka tirsan yahay hirgelisay, dhibaatooyinka qaadka iyo qabiilka, dhaqanka dimuquraaddiyadda, dabbaal-degga 23-guurada gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May iyo sida sannadkan loo waynaynayo iyo sida muhiimadda loo siinayo in dhaqaale lagu ururiyo lagu hirgeliyo mashaariicda horumarinta ee dhinaca waddooyinka, gaar ahaan waddada Ceerigaabo oo uu Madaxweynuhu ku baaqay in sannadkan xuska May lagaga qayb-qaato qaadhaan-ururinta jidkaas iyo qodobbo kale.
Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi ayaa muddada toddobaadka iyo dheeraadka noqonaysa ee ay joogeen Caasimadda Hargeysa waxay kulammo kala duwan la yeesheen Madax-dhaqameedka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland.
Waxay Odayaashu ujeeddada socdaalkeeda ku micneeyeen mid la xidhiidha sidii ay wax uga baran lahaayeen doorka madax-dhaqameedka dhiggooda ah ee Somaliland ka qaateen hirgelinta nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland, is-dhex-galka Bulshada iyo inay Somaliland ugu hambalyeeyaan waxa ay qabsatay, kuwaasoo marka laga reebo labaataneeyo duruufo soo kordhay awgood dib ugu laabtay Muqdisho sida ay Odayaashu sheegeen intooda kale waxay Somaliland kala qaybgeli doonaan Xuska 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqista gooni-isu-taaggeeda ay Soomaaliya kaga go’day ee 18-ka bishan May oo ku beegan Axadda toddobaadkan la xusayo.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay la soo xidhiidheen Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ka hor intii aanay dalka ka iman, isla markaana ay ka dalbadeen safar ay ku yimaaddaan Somaliland.
Wasiir ku-xigeenku waxa uu ku dooday inay Xukuumad ahaan u arkaan faa’ido wax weyn ka beddelaysa fekerkii hore ee shacabka Soomaaliya booqashada ay Oday-dhaqameedka Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu qabnaa Xukuumad ahaan inay faa’ido innoo tahay dadka innoo yimaadda inay arkaan mawqifka dadka reer Somaliland oo waxaannu isleenahay waxyaabo badan ayay ka beddelaysaa, maantana way qanceen ayaan aaminsanahay sida ay Reer Somaliland ugu midaysan yihiin qaddiyaddan (madax-bannaanida Somaliland).”
Wasiir Ku-xigeen Cabdiwaaxid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Dadka Soomaalida ah dawladnimadaa u kala duwan, mana jaro Sharci kala xadaynaya in dadka Soomaalida ahi is-dhex socdaan. Waxa jira dad reer Muqdisho ah oo Hargeysa jooga, ka ganacsada oo ku dhaqan. Ina Sharciga kaliya ee innaga dhexeeya waxa weeye, dadka Somalilanders-ka ah ee Xamar xil ka qabta in tallaabo laga qaado.”
Mar la weydiiyey Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta in Odayaashu iskood u yimaaddeen iyo in Xukuumadda Somaliland marti-qaad u fidisay, waxa uu ku jawaabay; “Nin ku yidhi waan kuu imanayaa oo aan ogaado Xaaladdaada cid diidaysaa ma jirto, Xukuumadduna way oggolaatay.”
Sidoo kale, mar Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta wax laga weydiiyey in Somaliland oo nidaamka dimuquraadiyadda qaadatay oo caalamka aqoonsi ka doonaysa lagu dhalliilo in nidaamkaas uu ka qabiilku ka heersarreeyo iyo waxa keenay inuu sii xiigaysto, waxa uu ku jawaabay; “Qabiilku muu xoogeysan ee weligii wuu xoog badnaa, waa wax innagu tallaalan, Soomaalida kale ayaa xataa innagula yaabta oo markay yimaaddaan ku odhanaya waar dee waxna waad samaysateen, waxna waad qabsateen, laakiin qabiilkii baa innaga xoog badan.”
“Runtii waa qodob xun qodobkaa qabiilku oo u baahan inaynu ka gudubno. Mushkiladda ugu badan ee anigu markaan eegay Somaliland haysataa waa qabiilka iyo qaadka, waa labadaa qodob mushkiladda ugu badan ee dalkan haysata loona baahan yahay inaynu ka gudubno maaddaama oo aynu nidaamka dimuquraaddiyadda qaadannay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo wax laga weydiiyey xadhigga Saxaafadda ay Xukuumaddu ku hayso iyo tallaabooyinkii u dambeeyey ee ay Xukuumaddu albaabbada ugu laabtay Wargeysyada Haatuf, Hubaal, isla markaana ku xidho Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf, waxa uu ku dooday in arrinta Haatuf iyo Hubaal ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Garsoorka, sidaa awgeedna aanu wax hadal iyo faro-gelin ah ku samaynaynin.
“Saxaafaddu malaha sharaf sida Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kale ee waa Muwaaddiniin hadday dembi galaan la xidhi karo. Dadkaad ii tirinayso waxaa ka mid ah in badan oo Saacad xidhnaa, waxaad ogtaa xattaa haddii Waaran lagu xidhay Saxaafaddu way qaylo badan tahay, anigu waxaan u arkaa inaad mooddo Saxaafaddu inay sharciga ka sarrayso. Laakiin, annaga Xukuumad ahaan waxaa waajib nagu ah oo khasab nagu ah inaannu dhawrno oo ilaalinno Xuquuqda Saxaafadda. Weriyeyaashuna aanay ku xad-gudbin Shaqsiyadda qofka iyo Qaranka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland.
Wasiir Ku-xigeen Cabdiwaaxid waxa uu sheegay inay Xukuumad ahaan ku dedaali doonaan isu soo dhawaanshe dhex-maraya iyaga iyo Saxaafadda madaxa-bannaan, isaga oo ku dooday inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Suxufiyiintii ugu badnayd xilal u magacawday oo ay yihiin Masuuliyiin laamaha dawladda ka tirsan. Waxaanu xusay inay soo dhawaynayaan inay Saxaafadda, Xukuumadda iyo Baarlamaanku ka wada shaqeeyaan Xeer dhammaystiran oo Warbaahinta Somaliland lagu hago.
No comments:
Post a Comment