Sunday, May 18, 2014

Chief-caaqil cusub oo ka mid noqon doona Cuqaasha Reer Somaliland oo lagu caleemo saaray magaaladda Hargeysa




sulHargeysa18  May 2014(Himilo)-Chief-caaqil cusub oo la yidhaa Chief-caaqil Aaden Xaashi Jaamac ee beesha Cabane Yaasuf ee Sacad Muuse ayaa lagu caleemo saaray  Xaflad balaadhan lagu qabtay Hotel Safari ee Magaalada Hargeysa.


sulCaleemo saarkan waxa ka soo qayb galay Salaadiin, Culimaa’udiin, Madax-dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland  iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele  oo ah Suldaanka guud ee Beesha yaasuf oo Hadal kooban ka jeediyay Xaflada ayaa sheegay in Chief-Caaqilkan Cusubi uu bedeli doono Chief-Caaqilkii hore Cabdisamad Aw Xuseen Xayd  ee isagu hore Xilkan u hayn jiray, sidoo kale, waxa uu sheegay in Chief Caaqilkan Cusub ay soo dhawaynayaan.   Waxaanu Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele  Chief-Caaqilkan cusub Eebe uga baryay inuu Xilkaasi Cusub ku asturo.


Salaadiin aad u tiro badan, Cuqaal, Culima awdiin, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo iyaguna Madasha ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey Chief-Caaqil Cusub ee Beesha Cabane Yaasuf (Sacad muuse) iyaga oo ugu Duceeyey in ILaahay Xilka Cusub u fududeeyo oo uu ku asturo. Gabagabadii, waxa halkaasi lagu Celeemo saaray Chief-Caaqil Aaden Xaashi Jaamac, Hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyayna waxa uu si wayn ugu Mahadnaqay guud ahaanba Odayaashii Dhaqanka ee Caleemo saarkiisa ka soo qayb galay iyo Beesha Reer Cabane ee Xilkaasi u gartay. Waxaanu Chief-Caaqilka Cusubi Dadkii Madasha fadhiyay ka codsaday inay ILaahay uga baryayaan in Hawshan loo xil saaray uu ku asturo.


Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Mawliid Cali Ibraahim, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur, Suldaan Maxamed Daahir Cilmi, Caaqil Cabdisamad Xuseen NUUR, Caaqil Cabdilaahi Aw Xuseen Xayd, Caaqil Axmed Daahir (Axmed Raan), Prof Cabdi Cali Jaamac, Xildhibaan Ilyaas Aw Xuseen,  Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment