Saax-dheer:May,17,2014(Himilo) – Wararka ka imanaya Deegaanka Taleex ayaa sheegay in Saaka uu iska Hor imaad ku dhex maray Ciidanka qaranka Somaliland iyo Kooxo nabad-diid ah oo ka tirsan Maleeshiyada Khaatumo.
Ciidamada Qaranka ayaa la sheegay inay ka war heleen Kooxo ka tirsan Naba-diidka oo si hoose u soo galay Deegaankaas, kuwaas oo ay rasaas la beegsadeen markii ay arkeen, isla-markaana ay ka baacsadeen Deegannadaas.Ilaa iyo Haatan lama sheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay, maadaama ay adag tahay in la helo wararka Deegaankaas oo ah kuwo inta badan Go’doon ku jira, waxase la hubaa in qaddar daqiiqado ah ay halkaas ka socotay is rasaasayn xoogani.
Kooxda Goobtaas soo gashay ayaa la sheegayaa inay isku dayayeen inay carqaladeeyaan Munaasibadda Maalinta 18-ka May oo berry ku beegan, waxase Ciidanka Qaranka oo heegan sare ku jiraa ay fashiliyeen isku dayga kooxdaas.
Xaaladda Deegaankaas ayaa haatan deggen, waxana la sheegayaa in Kooxdii Khaatumo ka tirsanayd ee Deegaanka inay yimaaddaan isku dayey ay Goobahoodii ku noqdeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment