Saturday, May 17, 2014

Shil Gaadhi Oo Dhimasho iyo Dhaawac Geystay Oo Ka Dhacay Deegaanka Laascaanood

Lascanod:May,17,2014 (Himilo)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhay Deegaanka Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa saaka shil gaadhi ka dhacay deegaanka Boholaha xargagay, kaas oo keenay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

yurIlaa iyo hadda dhimashada ayaa lagu sheegay inay tahay saddex qof, iyadoo gaadhiga dhacayna lagu sheegay NOHA ka tagtay Magaalada Hargeysa kuna socotay Dhinaca Garowe.

Dadka ku dhaqan Halkaas ayaa sheegaya in Dadkii  dhaawacmay iyo kuwii dhintayba ay yaallaan Cisbitaalka Guud ee Laascaanood, iyadoo dhaawacyada qaarkood oo Dirawalkii gaadhigu ku jiraa ay qabaan dhaawacyo culus.

Inta badan Gaadiidka u kala baxa Puntland iyo Somaliland ayaa shilal kala duwan ku gala Waddada u dhaxaysa Labada dhinac, waxana  Dhaca khasaare Naf iyo maalba leh.

Wali  si ramsi ah looga oga Magacyada iyo Meelaha ay ka soo  kala jeedaan Dadkan geeriyooday iyo  kuwa Dhaawacmay, waxase la filayaa inay dhawaan Soo Baxaan wararkooda oo dhamaystirani.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment