
Filimkani waa Qayb ka mid ah Documentary ku Saabsan Xasuuqaas iyo dhacdooyinkii laga ururiyey oo Bahda Himilo Media Group idiinku soo gudbin doonto si taxane ah.
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee 46-ka qof ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 17-kii July 1989kii ayaa dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, kuwaas oo isugu jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare, sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.
HALKAN KA DAAWO QAYBTII 1aad
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment