Tuesday, May 13, 2014

Dagaallo Khasaare Dhaliyey Oo Ka Dhacay Deegaanka Beled-xaawo

Beled-xaawo:,May, 13, 2014 (Himilo) –Ilaa iyo Haatan Inta La ogyahay lix qof ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanina way ku dhaawacmeen dagaal culus oo barqonimadii maanta ka qarxay degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

xaawiDagaalkan ayaa u dhexeeya Ciidamada Ahlu Sunna iyo Kuwa Dawladda Federalka ah, waxana la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal toddobaadkii hore ka dhacay degmadaas, kaasoo u dhexeeyay dhinacyada maanta ku dagaalamay degmadaas, iyadoo uu dagaalka maanta ahaa mid aad u culus.

 

Sida ay sheegayaan dad Goob-joogayaal ah oo Warbaahinta la xidhiidhay, dadka Halkaas ku dhintay ayaa waxa ku jirey dad Rayid ah, halka inta badan Bulshadii Magaalada ku dhaqnaydna ay Hareeraha u qaxeen.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Somalia oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid lasoo qorsheeyay oo lagu doonayo in degmada lagu qabsado.

 

Sidoo kale, mas’uul u hadlay ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, isagoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo khasaare badan uu ka dhashay.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii ka yimid degmada Dooloow ee taageersanaa maamulka Ahlusunna ayaa la sheegay inay xaafado badan oo degmada Balad-xaawo la wareegeen, welina ay rasaastu si goos-goos ah u dhacayso.

 

Himilo

Hargeysa/Desk

No comments:

Post a Comment