China, 13 May, 2014 (Himilo)- Gabadh Soomaaliyeed oo bishan gudaheeda ku geeriyootay dalka Shiinaha ayay Xukuumadda dalkaasi amar ku bixisay in shan casho gudahood lagaga saaro waddankoodda haddii kale ay gubi doonaan, sida uu xaqiijiyey Sayga Marxuumaddaasi ay Xaaskiisa ahayd.
Muuna Xaaji oo ku geeriyootay Shiinaha ayaa waxay ahayd Xaaska Maxamed Xasan Axmed oo sheegay in Xaaskiisu ay u geeriyootay cudurka TB-da ah ee ku dhaca caloosha, taasoo wax laga qaban waayay. “Xaaskaygu waxay geeriyootay ka dib markii ay umushay cunuggii noogu horreeyay oo lagu magacaabo C/raxmaan oo dhowr bilood jir ah. Xaaskeygu waxay u geeriyootay xanuunka TB-da caloosha, taasoo Dhakhaatiirta Shiinuhu ay noo sheegeen inaanay waxba ka qaban karin,” sidaa ayuu yidhi Maxamed Xasan Axmed oo xaaladda ay Xaaskiisu u geeriyootay uga warramay Warbaahinta.
Sidoo kale, Muwaaddinkan Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan, ayaa sheegay in lagu wargeliyay in shan maalmood gudahood uu Meydka Xaaskiisa kaga saaro Shiinaha, haddii kale la gubi doono, taasoo uu sheegay inay walaac xooggan ku dhalisay, waxaanu yidhi; “Dowladda Shiinuhu waxay igu tidhi Meydka Xaaskaaga shan maalmood kaga saara dalka, haddii kale waxaan ula dhaqmaynaa sida aan dadkayaga geeriyooday ula dhaqanno, taasoo ah inaan gubayno’ ayay I yidhaahdeen, waxaanay arrintani igu abuurtay walaac badan.”
Muwaadinkan Soomaaliyeed wuxuu sheegay inuusan haysan lacagta maydka looga qaadayo dalka Shiinaha oo uu cadadkeeda ku sheegay 35-kun oo doollar, isagoo xusay inuu hayo 11.500 oo doollar oo keliya. “Walaalaha Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay gacan iga siiyaan sidii aan maydka xaaskeyga uga qaadi lahaa dalka Shiinaha inta aan la gubin, waayo tani waa sadaqadda ugu wanaagsan ee qof la baxo, maadaama qof dhintay uu ahaa muslim, aniguna aan ka cararayo in la gubo.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xasan oo dalab u dirsanayay Walaalihiisa Soomaaliyeed ee gar-gaari kara meelkasta oo ay joogaan.
Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee dowladda Shiinuhu ay sheegto inay gubayso Meydka qof Soomaali ah oo dalkeeda ku dhintay haddii aan Meydkiisa si dhaqso badan looga saarin, waxaanay arrintani abuuraysaa werwer iyo walaac oo soo food-saaray guud ahaan Soomaalida, iyada oo waddanka Shiinuhu ka mid yahay dalalka ay Soomaalida ugu safarrada badan yihiin, maaddaama oo Ganacsi badani uga yimaaddo dhulka Soomaalida.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment