Thursday, May 8, 2014

Dhacdooyinkii Ku Lammaanaa Jewigii Khudbad-sanadeedka Madaxweyne Siilaanyo, Muusowgii Mudanayaasha iyo Mawduucyadii aanu Magac-dhebin




WARBIXIN – AXMED CUMAR


Hargeysa, 07 May, 2014 (Himilo)- hab-maamuuskii loo abaabulay Booqashadii Madaxweyne Silaanyo ku imanayey labada Gole, ayaa ahayd mid ka duwan kuwii sanadihii hore lagu arki jirey, waxaana goobta awaamiirteeda inta badan bixinayey shaqaalaha ka hawl-gala golaha, iyadoo shaqaalaha Madaxtooyada iyo ciidankaba ay ka muuqatay martinimo iyo ixtiraam ay u hayeen Shaqaalaha Golaha.


Ma jirin wax is afgaran waa ah oo dhex maray ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo shaqaalaha golaha sidii dhici jirtey Sanadihii hore, waxaana si haboon shaqadooda u gudanayey shaqaale-hoosaadka golaha oo hore tacadiyo kala kulmi jirey Ciidanka Madaxtooyada.


Xildhibaanada Labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa xilli horeba iska xaadiriyey hoolka ay golaha Guurtidu Gaarka u leeyihiin, iyadoo waliba loo baratameyey Kuraasta hore ee wejahadda Fadhiga si aan loo kala dhex-gelin iyaga iyo Madaxweynaha, waxaana ay jawi deggen ku  fadhiisteen Kuraasta loogu talo galay oo u kala qaybsanayd laba qaybood oo kala ahaa qayb Guurtida  loogu talo galay iyo qayb kale oo Wakiillada loogu talo galay.


Diyaar-garawga iyo Imaanshiiyaha madaxweynaha ee Xarunta baarlamaanka ayaa laga dareemayey agagaarka Aqalka Madaxtooyada, iyadoo ay indhaha shacabkii Goobahaas marayey qabanayeen Ciidamo si weyn u lebisan oo si habaysan u safan dariiqa u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Isgoyska dhakhtarka Weyn iyo Aqalka Baarlamaanka u dhexeeya, iyada oo intii hore ay gaadiidka dadweynuhu si caadi ah u isticmaalayeen, balse markii uu soo bixitaanka Madaxweynuhu soo dhawaaday laga joojiyey inay jidkaas maraan.


Abaaro 9:38-Daqiiqo ayuu kedinka Madaxtooyada ka soo baxay Madaxweyne Silaanyo oo ay hareero socdaan raxan ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada, Wasiirro, taliyayaal ciidan, Madax ka tirsan Xisbiga Kulmiye, xildhibaanno iyo Waliba Koox Haween ah.


Mid ka mid ah Xog-hayeyaasha labada Gole ayaa xildhibaanada ku wargeliyey inuu madaxweynihii soo socdo, isla-markaana mudanayaasha looga baahan yahay inay u sare kacaan, sacabna ku soo dhaweeyaan.


Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Golihiisa wasiirrada ayaa Goobta soo galay, waxaana Md Siilaanyo kala dhex fadhiistay Labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, halka wasiirradii la socday fadhiisteen kuraasta loogu talo-galay martida golaha oo ka hoosaysa miiska shir-guddoonka, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyey inay u diyaargoobaan dhegaysiga khudbadda madaxweynaha.


Abaaro 9:45-Daqiiqo ayuu madaxweynuhu bilaabay khudbadiisii uu halkaas la yimid, taasoo sanadkan ka  yarayd kuwii hore, isla-markaana u badnayd waxqabad iyo waliba Jawaabo uu u diray waddamada Jaarka oo ay Somaliya ugu horrayso.


Intii Khudbadda madaxweynuhus Socotay, waxa Mudanayaasha loo qaybiyey Buug Kooban oo uu ku qoran yahay wada-hadalladii dhawaan Dhex maray Somaliland iyo Somalia, waxaana uu Xildhibaanada ka codsaday inay naaqishaan, wixii dani ku jirtana doodahooda ku darsadaan.


Khudbadda Madaxweynaha ayaa la odhan karayey waxa ku jirey waxyaabo sanadkii horena ku jirey oo ay kaw ka ahayd derejada ciidamada Qaranka, in kasta oo bixinta derejadu ka dambaysay khudbad-sannadeedkiisii hore iyo waliba kordhinta Mushaharkooda oo uu isla shalayna mar kale ku soo celiyey, waxaana uu Mudanayaasha ka codsaday inay ansixiyaan Xeerarka dhinaca nabadgelyada khuseeya oo madaxtooyadu hore ugu soo gudbisay.


Sidoo kale, waxa uu khudbadiisa madaxweynuhu mar kale uu ku soo daray Horumar uu sheegay inay ka gaadheen dhinaca Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo ictiraaf-raadinta, taasoo sanadihii horena uu sidan si la mid ah u sheegay inuu horumar iyo marxalad dunidu bogaadisay ka gaadhay.


Dhinaca Waxbarashada ayuu madaxweynuhu sheegay inay kor u qaadeen, balse marna muu soo Hadal-qaadin tayo-darrada iyo Hoos u dhaca ka jirta Waxbarashada dalka, gaar ahaan dugsiyada dawladda oo hoos-u dhac wayni ka muuqdo tayadii ay markii hore lahaayeen iyo waliba waxbarashada gaarka loo leeyahay oo muddooyinkii ugu dambeeyey noqotay goobo lagu ganacsado oo aanay cidi si buuxda u kaantaroolin.


Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa ku soo qaatay Mushaharooyinka ay qaataan Wasiirradiisu, midka ay ciidanku Qaataan iyo waliba midka ay Xildhibaanada Laftoodu qaataan, isagoo sheegay in xukuumaddiisu Ciidamada, Wasiirrada iyo Mudanayaashaba kor u qaadday mushahaarooyinkii ay hore u qaadan jireen.


Madaxweynaha ayaa mar saddexaad Mudanayaasha ka codsaday inay Meel-mariyaan Xeer aan haba yaraatee ku jirin Dastuurka Qaranka oo uu sheegay inuu Haweenka Kooto ugu samaynayo, kaasoo ay hore Mudanayaashu dib ugu celiyeen. Haseyeeshee ay ahayd inuu digreeto madaxweyne ku hirgeliyo maadaama aanay dastuurka ku jirin.


Dhacdooyinkii ku Lammaanaa Khudbadii Madaxweynaha


Intii Khudbadda Madaxweynuhu socotay waxa goobta lagu arkayey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ay ka muuqatay jawi aan faraxsanayn, waxaana uu fadhiyey Goob gaar ah, isagoo dhexda u galay Ku-simaha Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UCID iyo Waliba Xasan Gaafaadhi oo ahaa xubinta labaad ee Xisbiga Kulmiye goobta ka Joogay, kamana ay muuqanin is-dhexgalkii hadalladii dhex mari jirey isaga iyo Xubnaha kale ee Wasiirrada ka mid ah.


Marka la eego Jawigii uu shalay ku sugnaa Guddoomiye Muuse Biixi, waxa muuqatay in hadalkii uu ku shaaciyey inuu Guddoomiye yahay ay kala dhantaashay muxubbaddii dhex taallay isaga iyo madaxweynaha, iyada oo inta badan Xubnaha wasiirraduna u muuqdeen kuwo iska barbarinaya si aanay isha madaxweynuhu ugu arkin Muuse Agtiisa.


Xisbiga Waddani ayaa iyaguna Goobta ka maqnaa, lama arkin cid metelaysa oo ay halkaas u soo direen xilli uu Guddoomiyahoodii Dalka Dibaddiisa ku maqan yahay.


Khudbadda dhexdeedii waxa goobta si weyn looga dareemayayey Haween xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ha ahaadaan qaar xilal haya ama xubno ka tirsan xibsiga,  kuwaas oo sawaxan mushxarad u badan ku taageerayey erayadii ka soo baxayey Afka madaxweynaha, iyadoo ay golaha wasiirraduna ku  saacidayeen Sacab iyo dhawaaq dheeri ah si ay u muujiyaan taageerada Madaxweynaha iyo Hannaanka uu hadalkiisa u soo dhigay.


Sacabka iyo Jiibtu kali kumay ahayn Taageerayaasha xisbiga iyo Xukuumaddiisa, balse waxa iyaguna khudbadii madaxweynaha Sacab iyo waliba Miis-garaac ku dhabqiyey Mudanayaasha labada Aqal intooda badan oo dhegaysi la’aan sacab iyo Oori ka horgeynayey.


Wasiirrada iyo Xubnaha kale ee xukuumadda ka tirsan ayaa sidii ay caanka ku ahaayeen soo dayacay shaqooyinkii ay qaranka u hayeen, iyagoo buux-dhaafiyey hareeraha Madaxweynaha in kastoo wasiirro miisaan lihi ay shalay ka maqnaayeen goobtaasi.


Waxyaabihii laga Filayey Khudbadda Madaxweynaha


Sanadkan waxa Khudbadda Madaxweynaha laga filayey inuu kaga hadlo Arrimo badan oo ay ka mid tahay Doorashooyinka Madaxtinimada, Baarlamaanka oo muddo-xileedkoodu gebogebo yahay, loona muddeeyey inay qabsoomaan dabayaaqada sannadka dambe, taas oo Madaxweynuhu hal erayna kaga soo darin khudbaddiisa.


Filasho kale oo ahayd inuu ka hadlo Xidhiidhka Xukuumaddiisa iyo saxaafadda Madaxa-bannaan inuu ka Hadlo ayuu iyadana afkiisa ka dhawray oo aanu soo hadal qaadin.


Waxa kale oo laga filayey Madaxweynaha inuu ka hadlo hankiisa dhinaca Madaxtinimada shanta sanno ee soo socda oo dad badani filayaan inuu Haamaha u biyeysan doono, balse waxa uu door-biday inuu aamusnaan kaga jawaabo oo aanu khudbadiisa ku soo qaadanin.


Ugu dambayntii waxa gebogeboowday Khudbaddii Madaxweynaha, waxana Shirguddoonku ku dhawaaqay inuu Madaxweynuhu fasaxan yahay, iyada oo xubnihii xukuumadda iyo xisbigeeda ahaa ee Madaxweynaha la socday, goobta kaga baqooleen Farxad iyo rayn-rayn, mana jirin hal xildhibaan oo codsaday inuu Madaxweynaha su’aal Weydiiyo.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment