Hargeysa, 08 May, 2014 (Himilo)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Cismaan Xuseen Warsame, ayaa maamulka degmada Laasqoray ku wareejiyey Shixnad daawooyin ah iyo Gaadhi Ambalaas ah oo qayb ka ah deeq dhowaan lagu wareejiyey xukuumadda, kaas oo loo qaybinayo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Munaasibad xil-wareejinta agabkan loo qabtay oo shalay loogu sameeyey Xarunta Wasaarada Caafimaadka, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cilmi, Wasiir kuxigeenka Macdanta iyo Tamarta Cabdisalaan Maxamed Xasan, Badhasaabka Cusub ee Gobolka Sanaag Maxamuud Cabdi Saleebaan (Ramaax), Maamulka dagmada Laasqoray iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame oo munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay in deeqda lagu wareejiyey maamulka degmada Laasqoray ay hor dhac u tahay ballan qaadkii madaxwaynuhu u sameeyey degmadaas socdaalkii uu dhowaan ku tagay, isla markaana ay baahi wayn ka daboolayso adeega caafimaadka iyaga oo fulinaya balanqaadkii madaxwaynaha.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Siciid Jaamac oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku amaanay madaxwaynaha Somaliland fulinta balanqaadkii uu u sameeyey degmada Laasqoray isagoo sheegay in bulshada degmadaas ku nooli ay baahi wayn u qabeen adeeq caafimaad oo ay ugu horeeyaan baabuurka Ambalaaska ah iyo daawooyinka loogu deeqay cusbitaalka magaalada Laasqoray.
Md Siciid Jaamac waa uu wasaaradda Caafimaadka ka dalbaday in cid hanan karta oo bulshada ugu adeegta loogu dhiibo gaadhiga anbalaaska ah si ayaanay u dhicin in sifo kale looga faa’iidaysto sidii hore u dhacday, isaga oo uu jeediyey gaadiid dhowaan loola baxsaday maamul-goboleedka Puntland.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo isagauna Munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in deeqdani tusaale u tahay qorshaha horumarinta Gobolada Bariga Somaliland, waxaanu uga mahad naqay Wasaaradda Caafimaadka inay fulisay ballan-qaadkii madaxwaynaha ee ku aaddanaa horumarinta adeegyada bulshada degmada Laasqoray.
Badhasaabka cusub ee gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan sida ay isugu beegmeen xilka loogu magacaabay badhasaabka Sanaag iyo deeqda lagu wareejiyey, isla markaana isagoo oo aan wali xilkii la wareegin uu la kulmay deeqo loogu talo galay gobolka loo magacaabay.
Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo isaguna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa madaxweynaha uga mahad-naqay magacaabista badhasaabka cusub ee uu u igmaday gobolka Sanaag, waxaanu badhasaabka ka codsaday inuu gobola Sanaag ka yeelo sidii uu u horumariyey gobolka Saaxil muddadii uu maamulayey.
Waxaa uu wasiirka Gaashaan-dhiggu kula dardaarmay bulshada degmada Laasqoray in ay daryeelaan baabuurka Ambalaaska ah ee loogu deeqay.
Ugu dambayntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa wasiirka Gaashaan-dhigga ku wareejiyey furihii baabuurkaas iyo daawooyin saarnaa, waxaanu wasiirku ku sii wareejiyey, badhasaabka cusub ee gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment