“Shacabka Caasimadda waxaan ugu bushaaraynayaa inay dalka soo gaadheen Shan Dab-demis oo 260,000 Kun oo Doollar oo ka mid ah Kharashka lagu soo iibiyey Madaxweynuhu bixiyey iyo Xaruntii Dab-demiska Hargeysa…” Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco: Waraysi Gaa Ah:
Hargeysa, 04 May, 2014 (Himilo)- Dab xooggan oo ilaa abbaaro shanti galabnimo ee Sabtidii shalay ka kacay Kaalinta Shidaalka ee Xarunta ganacsi ee KAAH oo ku taalla dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa, ayaa dhaliyey khasaare isugu jira dhaawaca illaa saddex qof inta la ogyahay iyo gubashada hanti badan oo isugu jirta shan Gaadhi, qaybta Super-marked-ka (Dukaanka) KAAH, Kaalinta iyo Booyad la sheegay in dabku ka dhashay oo Shidaal ku shubaysay Kaalinta Hoteelkaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Bulshada Maxamed Muuse Galaydh iyo Xubno kale, Ciidammada Ammaanka iyo dhawr Baabuur oo isugu jira laba Dab-demis, Booyadaha Shacabka iyo dadweyne tiro badan oo kala duwan, ayaa u gurmaday oo gaadhay goobtaas, isla markaana ka qayb-qaatay deminta Dabkaas oo muddo socday.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo goobtaas oo dabku ka hulcayo Warbaahinta kula hadlay, ayaa xaqiijiyey inta uu hubo in saddex qof ku dhaawacmeen dabkaas, waxaanu yidhi; “Qasaare wuu dhacay oo indhihiinna ayaad ku aragtaan khasaaraha, dad dhaawac ahina way jiraan, dhawr qof oo hadda Baabuurta Booliska la saarayey waan arkayey, illaa hadda wax dhimasho ah ma hayno, illaa saddex qof oo dhaawac ah oo la sii wado waan arkayey, waana la tiro-koobi doonaa wixii dhaawac ah.”
Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka ugu warramay xalay cawayskii, ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dabka qabsaday Kaalinta Huteel Kaah uu badan yahay hanti ahaan, marka dhinaca laga eegana uu sahlan yahay maaddaama oo aan Nafi ku bixin marka laga reebo saddexda qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen.
“Horta dabkaasi sidii uu u kacay weli way baadhayaan Boolisku, laakiin dabkaasi khasaare wayn buu gaadhsiiyey Booyad Shidaal ku shubaysay Kaalinta iyo saddex Gaadhi oo kuwan yar-yar ee aynu isticmaalno ah, saddex qof oo dhaawacyo soo gaadheen oo wada Rag ahaa oo Dhakhtarka weyn (Cusbitaalka guud ee Hargeysa) loo qaaday. Bamamkii Kaalinta gubtay, Gidaarkii Super-market-ka oo Dabku qabsaday oo ay ka soo gaadheen oo ay bakhtiiyeen iyo booyado badan oo kuwa biyaha ah oo la is-ticmaalay. Markaa khasaarahaasi khasaare ballaadhan buu ahaa, markaad dhinac ka eegtana khasaare sahlan maaddaama oo aanay nafi ku bixin.” Sidaa ayuu yidhi Maayer Solctelco.
Maayarka Caasimadda Hargeysa oo sheegay in si fiican loogu gurmaday bakhtiinta dabkaas, ayaa Shacabka reer Hargeysa ugu bushaareeyey inay Dab-demisyo cusub oo Caasimaddu leedahay dalka soo gaadheen, waxaanu yidhi; “Shacbiga Caasimadda waxaan ugu bushaaraynayaa inay dalka soo gaadheen Dab-demiskii cusbaa oo tiradoodu shan tahay, immikana qalabkii oo gooni naloogu soo diray lagu xidh-xidhayo, waxaanan mahad wayn u jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo bixiyey dhulkii laga dhisi lahaa xarunta Dab-demiska, dhaqaalaha lagu soo iibiyey-na inta u badan bixiyey, iyada oo inta kale ee dhaqaalaha lagu soo iibiyey ay dawladda Hoose iyo Ganacsatu ku dareen.”
Duqa Caasimadda Hargeysa ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo la weydiiyey in dhibaatooyinka Dabku ku soo noqnoqdaan qaybaha kala duwan ee magaalada, isla markaana dawladda Hoose lagu eedeeyo inay ka gaabisay doorkii iyo masuuliyaddii ay ku lahayd ka hor-tagga iyo wax ka qabashada mushkiladaha dabka sida sahlan maalinba meel u guba iyo waxa uu kaga jawaabayo, waxa uu yidhi; “Runtii waad la socotaa oo muddada aan hadda xilka hayey waa hal sano, waxaanannu ugu nimi dawladda hoose hal Dab-demis, qorshayaashanina waa qorsheyaashii aannu keennay, annagoo Madaxweynaha iyo Guddi horumarinta ah oo reer Hargeysa ah aannu isla kaashannay inaannu soo jeedintayadii xarun Dab-damis oo ballaadhan loo sameeyo Caasimadda oo ay illaa toddoba Gaadhi oo Dab-demis ahi ka hawlgalaan, wejiga labaadna lagu kordhiyo illa shan Gaadhi, marka saddexaadna goobaha Xaafadaha ee ay ka hawlgalayaan la ballaadhiyo oo Xaafad kasta laba Gaadhi oo Dab-damis ahi istaagaan.”
“Hay’ad Switzerland ah oo gacan labaad ah aannu ka dalbannay, runtiina uu Madaxweynaha Somaliland taas Caasimadda ku garab-galay, waxaanu Mashruucan hore ku bixiyey lacag dhan laba boqol iyo lixdan kun oo Doollar, isagoo wejiga labaadna uu Madaxweynuhu wax nagala qabtay oo Bajadka Kharash naloogu daray.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka Hargeysa oo sii watay hadalkiisa uu kaga jawaabay su’aasha kor lugu weydiiyey.
Waxa kale oo uu Duqa Caasimadda oo ka jawaabaeyey sida Dab-demisyada la keenay loogu shaqaynayo iyo cidda ku shaqaynaysa, waxa uu yidhi; “Fikraddan waxa ka shaqaynayey Nin reer Somaliland ah oo Axmed-Sawaaxili la yidhaahdo oo Sucuudiga joogay oo shaqadiisii isaga soo casilay inuu waddankiisa u shaqeeyo, iyadoo Suuqyada Waaheen iyo Gobannimo loo samaynayo meelo macaal beebabkii Biyaha lagu xidhayo si haddii dab ka dhasho si deg-deg ah loogu bakhtiin karo, immika ayaanannu bilaabaynaa hawshii dhismaha. Markaa, 30-Kii Inan ee ugu horreeyey ee Shantan Gaadhi ee Dab-demiska ah ku shaqayn lahaa ayaannu Imtixaan ka qaadnay Ardaydii Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare, immika tabobbar baa la geliyey soddonkaa Wiil, oo Boolisnimada iyo qaabka Dab-demiska loogu shaqeeyo la barayo.”
Maayerka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco gebo-gabadii waraysigan Wargeyska Himilo la yeeshay oo jaanis la siiyey waxa uu ku soo jeediyey oo uu yidhi; “Waxaan leeyahay Meheradaha waaweyn ee Dab ka dhalan karaa waa inay dhigtaan wax si deg-deg ah dabka loogu hakin karo ama bakhtiin karo inta Dab-demisyadu jidka ku jiraan. Booyadaha Shiidaalka qaada waxaan odhan lahaa ha qaataan wax si deg-deg ah ay ugu bakhtiin karaan haddii dab ku kaco iyagoo jidka maraya. Dadweynahana waxaan odhan lahaa meesha markuu dab ka kaco ha ku yaacina oo haku ururina, si ay shaqaalaha Dab-demistu shaqadooda u qabsan karaan oo aydaan u cidhiidhi gelin amaba dhib idiinka soo gaadhin. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa marku dab yimaaddo waa in si deg-deg ah loola xidhiidhaa oo loogu war-geliyaa Kooxda Gurmadka ee Dab-demiska.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment