Sunday, May 4, 2014

Xuska Maalinta Xoriyalul-qawlka Caalamka oo Shalay laga Xusay Hargeysa




Hargeysa, 04 May, 2014 (Himilo)- Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa shalay munaasibad laysku arkay ku xusay maalinta maalinta xoriyadda saxaafadda madax-bannaan oo sannadka kasta dunida laga xuso 3-da bisha May.


 Munaasibad lagu xusay maalinta qoriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida saxaafadda oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada, siyaasiyiin ka tirsa madasha Wada-tashiga, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye, baxda saxaafadda iyo marti-sharaf kale


IMG_0262Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn hambalyo u diray dhammaan bahda saxaafadda iyo qoyskeeda, waxase uu halkaas dhaliilo uga jeediyey saxaafadda dalka oo uu ku canaantay inay ka gaabiyeen masuuliyaddii ka saarnayd bulshadooda, isla markaana ku beddesheen inay danahooda gaar ahaaneed iyo buun-buuninta rabitaanka siyaasiyiinta.


“Shaqadii aynu qaban lahayn ee ahayd inay mujtahaceedna ku baraarujinno halka dantoodu ku jirto, waxaynu uga leexanahay dano gaar ah oo aynu u qabannay siyaasiyiinta oo aynu u noqonnay Kaaryoone uu ku qaato wuxuu doono. Waxaan odhan lahaa saxaafaddu ha u soo noqoto oo umadda ha hoggaamiso,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.


Guddoomiyaha SOLJA waxa uu tilmaamay inay xukuumaddu ku qaldantay nidaamka ay u martay ka-fal celinta dhaliilaheeda lagu soo bandhigo warbaabinta. Waxaanu yidhi, “Waan qabaa in xukuumaddu xadhigga iyo dacwadda, ay soo horeysiisay xadhigga. Markay wax qaldamaan maxkamadda hala isla tago oo suxufiga ama xarunta warbaahineed ha lagu qaado, laakiin garsoor hortii, xadhig maya!”


“Xukuumadda waxaan ka dalbanayaa laba qodob; inay sii dayso oo xayiraadda ka qaaddo wargeysyada iyo inay sharciga u marto ciddii ay u aragto inay dambi gashay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOlJA.


Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Cabdilaahi Cukuse, ayaa halkaas ka sheegay xukuumad ahaan inay oggol yihiin kiiska loo haysto xarumaha warbaahineed ee xayiran in loo maro xeerka saxaafadda.


“Xukuumadda haddii aanu nahay, mabdi’iyan waxaanu qabnaa xeerkii saxaafadda ee jiray, wixii ay ururrada saxaafaddu ka qabaan baanu ka qabnaa. Heshiiskii ay ka galeen ee iyaga iyo baarlamaanku ay wadeen, ee wixii khalad ah ee ka soo baxa xeerkaas in sixid lagu sameeyo, waaanu la qabnaa mabda’aas, ururrada saxaafadda iyo baarlamaanka ayaa wada, xukuumaddu shaqo kuma laha, SONSAF-baa gacanta ku haysa.


Wargeyska Haatuf arrintiisu maxkamad bay taalaa, mabdi’iyan in xeerka saxaafadda la raaco ayaanu xukuumad ahaan qabnaa oo aanu leenahay ha loo raaco,” ayuu yidhi Wasiirku Cukuse, waxaanu intaas ku daray, “Waxaan ku talinayaa, Dalkeenna arrimihiisa wada-hadal iyo is-afgarad baa wax lagu dhammeeyaa, saxaafadduna kama duwana oo caalam gaar ah kuma noola’e ee Somaliland bay ka mid tahay. Dhaqankii Somaliland inaanu ku dhammayno diyaar baanu u nahay dhinacayga, dhinaca xukuumaddana waan ku metela, waxaan leeyahay Haatuf iyo qolada kalena (Hubaal) noo qabsooma, arrintana aan si fiican ku dhammayno.”


Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa ka hadlay shuruucda dalka ee jidaynaysa xaq-dhowrista madax-bannaanida saxaafadda, isla markaana shakhsi ahaan uu aaminsan yahay in arrinta u dhaxaysa xukuumadda iyo wargeyska Haatuf lagu dhammeeyo qaab sulux ah.  


Waxaanu yidhi, “Waan ka dhowahay qoladii tidhi maxkamadaha si sharci ah ha loo geeyo, Anigu ma Qabo taas, waxaan qabaa in laga wada-hadlo, waayo wax walba lagu dhammeeyo maxkamad.”


Waxa kale oo halkaas ka hadlay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo xubno ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan, kuwaas oo ku dheeraaday qiimaha xoriyatul-qawlku u leeyahay horumarka iyo dhismaha dalka.


Si kastaba, ha ahaatee, xuska munaasibadda maalinta madax-bannaanida saxaafadda ee sannadkan, ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay xayiran yihiin Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo xukuumadda albaabada u laabtay, ka dib markii ay baahiyeen warar la xidhiidha musuq-maasuq oo taabanayey masuuliyiinta xukuumadda qaarkood.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment